Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Jaamacadda Qabridahar ee la dhagaxdhigay waa guulaha ku yimid hoggaaminta suubban ee DDSI oo uu hormoodka u yahay XDSHSI

$
0
0

President-of-the-Regional-Government-of-Somalia-in-Ethiopia-Abdi-Mohamud-OmarJaamacadda Qabridahar ee dhawaan sida wadajirka ah ay u dhagaxdhigeen R/xigeenka dawladda Fedraalka Ethoipia mudane Damaqe Mokonin iyo M/waynaha DDSI Cabdi Maxamud Cumar ayaa waxa ay soo jiidatay indhaha iyo qalbiga qof kasta oo jecel aqoonta, horumarka iyo in Qabridahar oo kale maanta loo dhagax dhigo Jaamac ay wax ka baran doonaan kummannaan jiilalka soo koraya ahi.

Geedi socodka maamulka suubban oo ujeedkiisu tahay hiigsiga horumarka himilada shacabka Dawladda Deegaanka Soomaalida Ethoipa, ayaa hormood ka ah qabsoomidda Jaamacadaha degaanka ee ku sii fidaya gobollada fog fog iyo degmooyinka baahida weyn u qaba waxbarashada sare.

 

1991kii intii ka horreysey waxa deegaankan Somalida Ethopia, ee loo yaqaannay Ogadan soo maray taariikh madaw oo silic iyo sariir badan, dagaallo iyo rafaad badan oo ay dad badani ku halaagmeen. Waxana xasuus lagu cashar qaato mudan wakhtigii keligii taliyihii xukunkii Dhergiga iyo dhibtii uu baday ama ku hayay qowmiyadda Somalida Ethopia iyo guud ahaanba qowmiyadaha kale ee Ethoipia, xukuumaddaasi hore ee dhargiga iyo xukunnadii ka horreeyeyba waxa ay Shucuubta wadankaasi kala dagaalameen dhinacyada horumarka iyo adeegyada aasaasiga ah.

 
Sooyaalkaasi ay qowmiyadaha Ethopia muddada dheer ku hoos jireen ayaa waxa mar kaliya meesha ka baxay sannadkii 1991. Xilligaasi oo ay guulaysteen xaq u dirirkii ay hoggaaminayeen Jabhaddii hubaysnayd EPRDF, taasi oo keentay ama horseed u noqotay in Ethoipia waacusubi u baryo. Qowmiyadihii dalkaasi ee cadaadiska lagu hayayna ay xoroobeen.

 

Isbeddelkaasi wuxuu dhaliyay in Ethoipia qaadato hannaan fedraal oo ku dhisan isir qowmiyadeed, guushii laga gaadhayna waa tani keentay in qowmiyadda Soomaalida Ethoipa iyo qowmiyahaha kalebaba noqdaan dawlado deegaan is maamul leh, maamul hoosaad dawladnimo leh. Una madax bannaan hawsha maamul ee degaankooda.

 
Haddaba, tan iyo wakhtigii DDSI jirtay waxa ay soo martay marxalado maamul oo kala duwan. Mudda badanna waxa ay la soo kacaa kufaysey maamul xumadii laga dhaxalay maamulkii diktaytarka ahaa ee Mingiste.
Laakiin markii DDSI loo doortay mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa markii u horaysay waxa uu ku guulaystay dejinta iyo xasilinta nabadgelyada deegaanka, dardargelinta iyo hirgelinta mashaariic wax lagaga qabanayo baahiyaha aasaasiga, sida biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo maamul toosinta. Iyo sidii gobollada DDSI loo gaadhsiin lahaa maamul mideeya oo isku xidhan.

 

Waxqabadka uu ku talaabsaday M/wayne Cabdi Maxamud Isaga oo talo iyo taageero ka helaya dawladda fedraalka Ethoipia waxa uu suurata geliyay horumar aan la qaban intii xukunkiisa ka horaysay, waxa uu hirgeliyey dhismaha kaabayaasha aasaasiga ah ee bulshada ku nool DDSI.
M/wayne Cabdi Maxamud Cumar wuxuu ka dhabeeyay hadafkii siyaasadeed ee balanqaadyadii XDSHSI, isla markaana wuxuu hirgeliyay qorshayaashii xisbiga ee la xidhiidhay nabadgelyada, horumarka iyo la dagaalanka jahliga iyo gaajada oo ah labada cadaw ee ugu daran bulshada.
Isku soo wada duuboo, dhagaxdhiga Jaamacada Qabridahar ayaa la odhan karaa waa guulaha uu soo hooyay hogaanka DDSI iyo XDSHSI, Qabridahar waa Magaalo ku taal badhtamaha deegaanka Soomaalida Ethoipia, waa caasimadda gobolka qorraxay, waxana hore looga sameeyay kuliyadda kalkaaliyaasha caafimaadka. Jaamacadda hadda la dhagaxdhigayna waxa loogu talo galay inay wax ka bartaan Arday gaadhaysa toban kun oo Arday. Jaamacada Qabridahar waa jaamacadii labaad ee laga hirgeliyo DDSI, Jaamacadda ka horaysey ayaa ahayd Jaamacadda Jigjiga ee caasimadda deegaanka ku taalla.

 

Magaalada Qabridahar waxay leedahay madaar diyaaradaha ah oo daboolay baahiyo badan.
Waxaqabadka muuqda ee XDSHSI iyo hogaanka DDSI ay ka sameeyeen deegaanka Soomaalida Ethoipia ayaa ah mid kalsooni buuxda ay kaga helayaan xisbi ahaan shacabka ku nool DDSI inay dib u doortaan, doorashada dhawaan ka dhici doonta deegaanka Soomaalida Ethoipia iyo guud ahaan dalka Ethoipia oo dhan..

Hashim sh Cumar Good


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles