Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo la weeraray

$
0
0

xarunta wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Soomaaliya oo ku taalla agagaarka KM 5 ee magaalada Muqdisho ayaa laga maqlay qarax xooggan oo xigay is rasaaseyn sida ay sheegeen booliska.

Gashaanle sare Cali Nuur ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in ilaa iyo hadda la ogyahay dhimashada hal qof iyo dhaawac shan qof oo kale.

Laakiin goobjoogeyaal ayaa sheegaya in dhimashada ay gaareyso ilaa 7 qof.

Koox hubeysan ayaa weerartay xarunta, ka hor weerarka waxaa la maqlay qarax xooggan.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka sida ay qortay wakaaladda wararka ee AFP.

Waxaa loo maleynayaa in wali kooxda ay kujirto gudaha xarunta, lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee weerarka.

Ugu yaraan toban qof ayaa ku dhimatay weerar maanta lagu qaaday xarunta wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Soomaaliya oo ku taalla agagaarka KM 5 ee magaalada Muqdisho, sida ay qortay Aljazeera.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka.

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa markii hore lala beegsaday darbiga xarunta, kadibna waxaa billowday is rasaaseyn u dhexeysay maleeshiyada weerarka qaaday iyo ciidanka dowladda.

Ciidan ka tirsan dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM oo gaaray goobta ayaa ku guuleystay inay soo afjaraan weerarka, maleeshiyada weerarka geysatay ayaana la sheegay in la dilay.

Wali ma aysan ka hadlin dowladda, khasaaraha ayaana intaas ka badan kar


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles