Waxan soo akhrisannay qaybtii hore ee sheeka xariirtan aan ula baxay WAXAN U SOO JOOGAY. Si koob kooban amma kor xaadin ahna waxan u soo qaadannay hummaagyo ku suntan noloshii dadku ku dhex noolaayeen wakhtiyadaa hore, oo ka hadlaysa sidii wakhtiyo ka hor loo noolaa. Taasi oo aan ula jeedo in bal dib loo milicsado sooyaalkaasi, da’yartuna ay bar bar dhigaan hab nololeedka maanta ay la nool yihiin.
Haddaba innaga oo halkii ka sii anba qaadayna sheekadii Waxan U Soo Joogay….. Waxa ay innoo joogtay iyada oo lagu jiro bishii Ramadaan oo makhaayadihii ay cammiran yihiin, durmaanka iyo nashaadka ka baxayana aanad malayn karin, ragguna ay dhinaca makhaayadaha dhexdooda garba siman isku bar bar fadhiyaan, sheekada iyo mirqaankuna uu xadhka goostay. Balse ay dumarku dhaxanta dibadda ka dhacaysa tuban yihiin, oo ay isa soo yugayaan albaabbada dhinacooda, si ay qayb uga noqdaan nashaadkaa iyo mirqaankaa ay raggu ku wadh wadheen. Halkaana ay fadhiyi jireen illaa iyo inta ay ka gaadhayso xilliga ay ragga u diyaarinayaan suxuurta!
Dhaqanka wakhtigaa jiray muu ahayn mid xaddaaradda maanta lagu qiyaasi karo, oo aad baa loo danbeeyey. Dumarkuna waxa ay qabeen dhib aanay cidina u ogeyn. Dhibtuna waxa ay u bilaabmi jirtay marka ay inantu shan amma lix gaadho, oo loo diri jiray hawsha reerka. Da’daa oo ay ku baran jireen cunto karin iyo nadaafadda guriga iyo weel dhiqista. Hooyada gabadh dhashaana waxa ay ahayd mid heshay qof shaqaala ah oo hawsha ka nasiya. Badankooduna si aan naxariis lahayna ayey ula dhaqmi jireen.
Gabdhaha waalidkood uma jeclayn sida ay wiilasha u jecel yihiin amma loo kool koolliyo, waxana ay hooyadu ama cidda ay la joogaan ula dhaqmi jireen si bilaa naxariis ah. Tusaale ahaan waxa caado u ahayd in ay waa-dhawaadka ( marka diigga ugu horreeyaa ciyo ) la kiciyo, si ay daaradda u xaadho, weelka u muudsato ( maydho ), dharka oo ay maydhaan, loxooxda ama canjeerada u dubto oo ay quraacda ugu diyaariso ragga. Shaqada ay salaadda subax bilowdo ayey habeenkii dhammayn jirteen. Cuntada ay kariyaan dumarku waxa ay ka cuni jireen inta raggu soo hambeeyo, hadday raggu wada cunaanna gubadka disdiga ku hadhay ayey feen feenan jireen. Dhacdooyinka noocaa aan ka sheekaynaa wax jira ayey ahaayeen.
Wakhtigaa gabdhuhu way ku yaraayeen dugsiyada, ta soo gashaana saaqidad bay ahayd, waayo may haysan wakhti ay casharkii loo soo dhigay dib ugu noqoto. Laakiin way jireen waalid ilbax ah ama caddaaladda yaqaanna oo ka war hayn jiray dumarka wiilasha iyo gabdhuna u sinnaayeen ammaba gabdhaha il gaar ku eegi jiray. Aabbahay Sh. Omer Goth ayaa ka mid ahaa waalidka xurmada badan u hayey dumarka, ee xaqooda ilaalin jiray, oo marka cuntada ay dumarku noo soo dhigaan, inta aannaan cunin ayuu soo hubin jiray in ay haweenku intoodii la hadheen. Aabbaha sidaa oo kale ahaa gabdhaha ay dhalaan way kula dadaali jiray waxbarashada, waanay ka ilaalin jiray in ay addoon u ahaato wiilasha ama hawsha reerka. Laakiin sida loo badnaa waxa ay ahayd si aan la jeclaysan.
Waxan u soo joogay dhulka oo barwaaqa ah, oo beeruhu ay aad u bexeen bisha Radamaanna ku soo beegantay. Wajaale oo dhawr km u jirtay degaanka aan joogay, ayaa ahayd meel aad u camiran oo aan wakhtiyada qaar isaga soo nafiso. Wakhtiyadaa dhallinta iyo odayadunba waxa ay aad u cuni jireen Jaadka ama Qaadka, oo aan loo cuni jirin sida maanta loo cuno.
Wajaalana waxaba ay ahayd immigana tahay marsada Qaadku soo maro, mar haddii ay marsadii Jaadka ama Qaadka tahayna waxa ay ehel u ahayd mirqaanka iyo saaxiibul mirqaanka. Qof kasta oo uu bahalkaasi suququl ku noqdayna, haddii uu yimaaddo Wajaale waa uu ka dhargi jiray. Saa, majlisyada lagu qayilayo, ayaa la keeni jiray jawaanno bilaash ah.
Wakhtigaa dadku is jeclaayaa, xidhiidhka bulshaduna waxa uu ahaa mid caafimaad qaba…..BERI SAMAAD …… Qabyaaladdu sida ay maanta u jirto umay jirin. Majlis kastana waxa ku kulmi jiray asxaab is faham ku walaalo ah, isku mihnad ah amaba isku jiil ah. Siyaasadda caalamiga ah ayaana majlisyada lagu falanqayn jiray, sida dagaallada bariga dhexe iyo waddammada weli ku hoos jira gumaysigii caddaa, sida south Africa. Balse may jirin siyaad la xiiseeyo oo gudaha ka jirtaa. Marka laga tagi waayo, dabayaaqadii lixdankii waxa jiri jiray doorashooyin aan u soo joogay. Oo ku salaysnaa reera hoose, xilligaa ayaa qabyaaladdu aawanayd. Haddana sida maanta oo kale may ahayn umana dhaweyn.
Waxan u soo joogay gaadiidka oo yaraa, is gaadhsiinta oo la isticmaali jiray Warqado la isku diro, Taar iyo mid la odhan jiray Dhii Dhaa. Telefoon wakhtigaa hore ma jirin. Waxanan xasuustaa bilowgii toddobaatanaadkii oo aan galay dugsiga dhexe ee Amoud oo hoy la seexdo ahaa. Oo ardayda aan ka midka ahaa aanay dhawr bilood xidhiidh wada lahayn waalidkood. Waayo is gaadhsiin telefoon may jirin, xataa Post school-ku uu leeyahay oo ay ardaydu kula xidhiidhaan waalidkood ama ehelkoodu ma jirin.
Ardaydaa aan ka midka ahaa ee dugisgaa hoyga ah ku jirtay, haddii mid ka mid ah ay wax ku dhacaan waalidkoodu waxa ay maqli jireen goor ay xeedho iyo fandhaal kala dheceen. Taasi marka aan immiga dib u eego waxa ay ahayd mid khatar badan. Waxanan u soo joogay laba arday oo middi is geliyey amma mid dhaawac ka soo gaadhay kubbad la ciyaarayey oo u dhintay. Fulaynimadii aan dhacdooyinkaa ka qaaday ayaan carruurtayda uga sheekeeyaa si ay uga digtoonaadaan.
Dadku xilligaa waxa ay kala ahaayeen reer Miyi iyo reer Magaal. Isku dhar may ahayn, isku fikir may ahayn. Kaftan iyo dacaayado ayaana u dhaxayn jirtay reer Miyiga iyo reer Magaalka. Dhinaca nolosha way isku xidhnaayeen, oo qolaba waxbay gaar u lahayd. Tusaale ahaan, reer Miyigu waxa ay magaalada keeni jireen Caanaha, Subagga, Xoolaha. Reer Magaalkuna waxa uu ugu baddali jiray lacag ay ku iibsadaan Sonkor iyo dhar. Inkasta oo ay reer Magaalku badi dhici jireen reer Miyiga, oo ay xoolaha ka amaahan jireen beenna u sheegi jireen. Reer Miyiguna beenta may aqoon ee way aammini jireen.
La soco qaybta dambe.
Ahmedweli Goth





