Abwaan Abdikariim cabdilaahi Jibriil oo ku magac dheer abwaan Qiiq ayaa Tidhiyey Gabay la magacbay Bulshada Caalamkay Ogaada .
Inay tahay beel kaliya
Bandiirad ay taagatoo
Cid kale biyo looga darin
Bulshada caalamkaa ogaatay
Boqolkiiba sagaashan qoys
Inuu baarlamaanku yahay
Dadkii kale baabah yahay
Codkoodu wax biirinayn
Bulshada caalamkaa ogaatay
Inaad boqrateen kuwii
cusaame barbaariyood
Buulkii al-shaydaanka iyo
Balaayo rugteeda tahay
Bulshada caalamkaa ogaatay
Inaay weli baylah tahay
Nabada balan qaadi karin
Cadaalad ka baadi tahay
gob taaduna booli iyo
Dhul goosi u baratamaan
Birtuna u afaysan tahay
Bulshada caalamkaa ogaatay
Burooy inaad dheeri tahay
Soomaali ka soo baxdoo
Baaqii gooni isku taaga iyo
Shuruudaha BUUXIN KARIN
bulshada caalamkaa ogaatay





