Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Madaxweyne Xasan oo furay shirka wadatashiga dowladda iyo maamullada

$
0
0

Xasan-Sheekh-Maxamuud-300x222Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa maanta furay wajiga labaad shirka wadatashiga dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamullada dalka .

Shirka oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa waxaa ka qaybgalaya hoggaamiyeyaasha maamul-goboleedyada Puntland, Koonfur-galbeed iyo Jubba.

Madaxweynaha ayaa shirka ka jeediyay qudabo dheer oo uu uga hadlay arrimaha amniga, dhammaystirka maamullada, hirgalinta federaalka iyo hiigsiga Soomaaliya ee sannadka 2016-ka.

Mas’uuliyiinta maamullada ayaa iyaguna furitaanka shirka ka jeediyay qudbooyin ay uga hadlayeen ahmiyadda ujeeddiynka shirka.

Wajigii koowaad ee shirka wadatashiga ah ee ay yeelanayaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamullada dalka ayaa horay loogu qabtay magaalada Muqdisho.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images