Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Haldoorkii Beelaha reer Dudub oo xadhig iyo raadin lagu hayo, oo maxaa loogu tacaddiyayaa?

$
0
0

Awdalpress – Xariirad – Waxa maanta shabakadda awdalpress.com la soo gaadhsiiyey war sheegaya, in nin oday ah oo magaciisa la yidhaa Jibril Aw Siciid oo sita baasaboor Holland ah lagu xidhay magaalada Borama, odaygaasi oo ka mid ah rag 8 ah oo loo xidhay dilkii Marxuumkii lagu dilay Xariirad oo isagu hayb ahaan ka soo jeeday Ciise.

Sida warar xog ogaal ahi nagu soo gaadheen, shilkaasi waxa uu ahaa mid qof kasta oo reer Xariirad ahaa ka xumaaday, oo aan loo tirin karin in beeli ku tashatay in ay dilaan, waayo ninkaasi waxabu ahaa nin reer magaal ah oo aan cidna dembi ka gelin. Laakiin haddana waxa loo tarjumay in dilkaasu uu daba socday kii lagu dilay ninka reer Dudub ah ee sidan oo kale loogu soo xidhay odayada Ciise markii dambena la iska sii daayey iyada oo xalkiina uu noqday hadal iyo suugaan.

Haddaba shabakaddan oo ay dad badani la soo xidhiidheen ayaa waxa na soo gaadhay, in beel ka mid ah beelaha Jibril Yoonis ee Samaroon aad loo baacsanayo odayadooda iyo wax garadkooda, si bay yidhaahdeen loogu shaabadeeyo dilkaa. Balse aanay odayadaasi waxba ka ogeyn.

Warka oo tifa tiran naga suga

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles