Xarunta Cilmibaadhista iyo Tayaynta Qaranka Somaliland (Xil-tayayn Qaran)
Ujeeddo: Hambalyada 18-ka May
XTQ 0002/2015 London, 18/05/2015
Xarunta Cilmibaadhista iyo Tayaynta Qaranka Somaliland (Xil-tayayn Qaran) oo saldhiggeedu yahay magaalada London, waxa ay munaasibadda 18-ka May ee ku beegan sannad-guurada 24-aad ee ka soo wareegtey maalinta dib ula soo noqoshada qarannimada Somaliland ay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan
18-kii May 1991 ayaa maanta oo kale magaalada Burco lagaga dhawaaqay gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland oo dib ugala soo noqotay xornimadeedii ay Ingiriiska ka qaadatay 26-June sannadkii 1960, kula mataanowday 1-dii Julay sannadkii 1960 dalkii Jamhuuriyadda Soomaaliya.
24-kii sannadood ee ay Somaliland jirtay, waxa ay shacabka Somaliland ku naalloonayeen xukuumado ku salaysan dimuqraaddiyad degganaansho iyo nabad-gelyo. Iyada oo aan wax aqoonsi ah ka haysan beesha caalamka, ayaa waxa muddadaas u yagleelmay haykal ku hano qaaday nidaam iyo kala danbayn, sidoo kale hay’ado dawladeed oo shaqaynaya iyo hab-raac maamul oo wada-tashiyo iyo tala wadaag salka ku haya.talo.
Haddaba, Xarunta Cilmibaadhista iyo Tayaynta Qaranka Somaliland, oo geeddi-socodkaas ka shiidaalqaadanaysa ayaa waxa ay ku boorrinaysaa xukuumadda, golayaasha qaranka, asxaabta siyaasadda ee qaranka iyo shacbi-weynahaSomaliland, gude iyo dibedba, in ay ilaaliyaan wada-jirka iyo iskuduubnidooda, meelna uga soo wada jeestaan wax kasta oo wiiqi kara xasilloonida iyo nabad-gelyada Somaliland ku caano-maashay ee lagu majeerto.
Hambalyo iyo bogaadin
Xarunta Cilmibaadhista iyo Tayaynta Qaranka Somaliland (Xil-tayayn Qaran)
102 Mile End Road, London, E1 4UN, UK