Awdalpress(Kismaayo) 22 Jun, 13–Ciidanka booliska magaalada Kismaayo ayaa maanta howlgal miino-baaris ah waxay ka sameeyeen waddooyin ku yaalla magaalada.
Taliyaha saldhigga Kismaayo Maxamed Cabdi Buulle Sugow oo wareysi gaar ah siiyay Bar-kulan ayaa sheegay in ciidanku ay howlgalka ku soo saareen labo miino oo aan qarxin, kuwaas oo uu sheegay in laga saaray waddada suuqa Umbulutooriya iyo tan aadda Dalcadda.
Taliyaha ayaa ku ammaanay shacabka ku dhaqan magaalada inay ciidanka ku soo wargeliyeen miinooyinka lagu aasay waddooyinka.
Wuxuu ku eedeeyay kooxda al-Shabaab inay aastay miinooyinka si ay ugu waxyeelleyso dadka rayidka ah ee ku dhaqan magaalada.
Kooxda al-Shabaab ayaa weerarro qaraxyo ah ka geysata magaalooyinkii laga saaray oo Kismaayo ay ka mid tahay.
Talaadadii la soo dhaafay ayay ahayd markii miino dhulka lagu aasay ay ku qaraxday gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM oo marayay waddo ku taalla xaafadda Calanley.
Afhayeenka ciidanka Kenya Major Emmanuel Chirchir ayaa sheegay in qaraxa uu waxyeello gaarsiiyay gaariga ay wateen ciidanka lala eegtay qaraxa.
Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in rag hubeysan ay barqadii maanta weerareen saldhigga booliska ee magaalada.
Weerarka ayaa sababay dhimashada mid ka mid ah ilaalada booliska iyo dhaawaca labo kale.
Ilaalada saldhigga ayaa iska caabbiyay weerarka, walow la sheegayo in dableyda ay qaadatay qori uu watay askariga la dilay.
Ilaa hadda si rasmi ah looma aqoonsan haybta dableyda iyo sababta ay u geysatay weerarka.
Dhowr jeer oo hore ayaa dabley waxay weerartay saldhigga booliska Kismaayo si ay xoog ugula soo baxdo eedeysanayaal ku xirnaa saldhigga.
RBK