Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa Reuters u sheegay in uu rajo ka qabo ay dib u bilowdaan wada hadalladii Somaliland iyo Somalia.

$
0
0

Wasiir_Maxamed_Biixi_YoonisAwdalpress – London – Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis ayaa rajo ka muujiyay dib u billaabashada wadahadallada u dhexeeya Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Biixi oo u Warramayay wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegay inuu rajeynayo in bilaha soo socda ay u billowdaan Wadahadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Dowladda Somalia oo uu hore u sheegay inay burbureen.

Somaliland ayaa u muuqata inay saluugsan tahay dhex-dhexaadinta xukuumadda Turkiga, maadama Turkigu uu Xidhiidh Wanaagsan la leeyahay Dowladda Federaalka Somalia, ayna ka wadaan mashaariic horumarineed oo fara badan.

“Markii koowaad ee aanu Wadahadallada billownay waxaa qayb ka ahaa Dalalka Norway, UK iyo Ururka Midowga Yurub, Waxaanu ka codsanaynaa inay mar kale ka Qayb-galaan Wadahadallada ayna dhex-dhexaadinta qayb ka noqdaan,” ayuu yiri Biixi.

Dhanka kale, Wasiir Biixi ayaa xusay in dhammadka sannadkan 2015-ka ay keeni doonaan Dekedda Berbera Shirkado Caalami ah oo Dib u dhis ku sameeyo Dekedda, isla markaana qayb ka noqda socodsiinta howlaha Dekedda Berbera.

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku daray inay wadahadallo kula jiraan saddex shirkadood oo laga leeyahay Dalalka Faransiiska, Switzerland iyo Imaaraadka Carabta si ay Qayb uga qaataan horumarinta Dekedda Magaalada Berbera ee Somaliland.

Ugu dambeyn, Maxamed Biixi Yoonis wuxuu Sheegay in ay Dhankooda Go’aansadeen in dib loo billaabo Wadahadalladii ay dowladda Soomaaliya kula jireen ee ka socday Dalka Turkiga, iyadoo ay weli Somaliland oo sheegtay inay ka go’day Somalia aysan weli helin wax aqoonsi caalami ah.

Awdalpress

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles