Awdalpress – Hargeysa – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa arrin dastuurka baal marsan ku tilmaamay heshiishkii xisbiyadu ka gaadheen khilaafkii ku saabsanaa muddo kordhinta golaha Guurtidu ay doorashada ay dib ugu dhigeen illaa iyo bisha saddexaad ee sannadka 2017. Taasi oo ay xisbiyadu baddalkeedii go’aammiyeen in doorashada la qabto bisha December sannadka 2016.
Guddoomiyaha golaha Guurtidda ayaa sheegay inay ka hor yimaadeen go’aan dastuuri ah, isla markaana aanay xaq u lahayn xisbiyadu inay wakhtiga doorashadda cayimaan. Weliba sidaasi ay tahayna aanay wax wada tashi ah dib ugula soo noqon golaha dastuurku xaqa u siiyey in ay go’aan ka gaadhaan arrimaha noocani ah.
“Waxaanu maqlayney in saddexda guddoomiye ee Axsaabta qaranku ay isku raaceen inay doorasho qabanayaan bisha December ee sanadka 2016-ka. Ma ogin sharciyad asxaabta siinaya muddo kordhin. Muddo kordhinta hay’adda qudha ee dastuuriga ah ee qarankan wax kordhin kartaa waa golaha guurtida. Golaha guurtiduna doorashada waxa ay ka dhigeen bisha March ee 2017-ka. Madaxweynaha iyo Komishanka qaranku bisha March ee loo cayimay meesha ay ka dhigayaan maalinta doorashada waa u fasax, Laakiin xisbi iyo cid kale oo dastuurku xaq u siiyay muddo kordhini ma jirto” ayuu yidhi Gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud.
Saleebaan ayaa sheegay in aan laga noqon karin go’aankoodii mar haddii doorashada wakhtigeedii dhici Karin, waxaanu yidhi “Xukuumadda maanta joogta ee Madaxweynaha uu ka yahay Siilaanyo, tii hore waxay kaga eeg tahay 27-ka July 2015, haddii ay doorasho qaban kari waayeen, wixii sharciga iyo dastuurku bixiyeen waxa weeye in loo hogaansamo go’aanka golaha guurtida, sharciyadda qaranku waa kaas”.
“Ummadda Somaliland waxaan u sheegayaa in Sharcigii Qaranku kaas yahay, Awoodana Golaha Guurtidu leeyahay, Qaranna wuxuu ku dhaqmaa waa sharciyad, Allahayow sharci la’aan hana badin uu ninkii doonaaba samaysanayo awood uu Sharciga ku Maroorsado,” ayuu hadalkiisa raaciyey.
“Golaha Guurtidu go’aan uu Sameeyay Weligii lagama Daba-tagin, xataa Madaxweynuhu ma saxiixo ee sidaas ayuu ku dhaqan galaa oo ku socdaa go’aanka guurtidu laakiin doorkan waanu degdegnay, golaha guurtidu wuu degdegay” ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye Gacan oo ka mid ah xildhibaanada golaha Guurtida eeo markii horaba ka soo hor-jeeday in muddo dheer loo kordhiyo xukuumadda.
Hase yeeshe, xildhibaanadda golaha Guurtida ayaa intoodda badan aaminsan yihiin inay Khalad tahay in Go’aankooda laga Hor-yimaaddo, isla markaana Cidda Keliya ee Muddo kordhin samayn karta tahay golaha Guurtida.
Awdalpress