Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Waa In Loo Damqadaa Qaxootiga Soomaalida

$
0
0

BaasheXukuumadda Somaliland iyo shacbiga Somaliland weligood uma darraan jirin dadka Soomaalida ah ee soo muta ama wax soo bida ee ku soo eerta.

Tan maanta Berbera ka soo yeedhaysaa waa lama-arag iyo dhito dhaxalkeedu xun yahay.

 

Tallaabadan xukuumaddu qaadday ee dadka qaxootiga ah ee Yaman ka soo cararay lagu kala faquuqay ee kuwii ugu mudnaa ee Soomaalida ahaa la takooray waa arrin aan la aqbali karin wax kasta oo daba ka riixaya ba.

 

Marka laga tago is diiddooyinka iyo haybaha siyaasadeed ee la halmaala, Soomaalidu waa “xidid iyo xigaal iyo xundhuro isku yaal yaal” oo ay tahay dhaqankaas, dhalashadaas isirnimo iyo xeerarkeeda in la wada ilaaliyo, iyada oo wax la kala leeyahay.

 

Bawdo nin maalin ba mid baa qaawan! Dadkan dhibaataysnaa markii horeba ee haddana sii tabaaloobey in loo gurmado oo la soo dhoweeyo mooyaana wax kale ma furma.

Waa loo babacdhigi karaa culayska ay soo kordhin karaan, haddii se la siyaasadeeyo oo meelo kale iyo reero muskood la la qabto waxa ka dhashaa waa gunnimo iyo dheg-xumo aan laga soo waaqsan doonin.

Fal iyo ficilo dhab ah ayaa loo baahan yahay. Dib xukuumaddu ha isugu noqoto haddii ay tallaabadaas foosha xun ku wada socotay iyo haddii ku kala socotay ba.

Dadkaas ha la soo dhoweeyo oo ha loo damqado, hana loo wada gurmado oo ha loo jiidh debco xukuumad iyo shacabba, gude iyo dibedba.

 

Erey sami wuxuu gooyo

Allow yaan ku jarin soodhka

Garashada ka dhigan seefo!

 

Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan mohamedbashe@hotmail.com

facebook.com/baadisooc


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles