Awdalpress(Paris) 22 Jun, 13–War laga soo saaray wasaarada arimaha dibada dalka Faransiiska ayaa waxaa lagu sheegay in dowlada Faransiiska marnaba aysan ka garab bixin Xukuumada iyo shacabka Soomaaliyeed ee igu dhibaatada soo maray.
Xukuumada Baariis ayaa si weyn u cambaareysay weerarkii maalin ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho kaasi oo lagu qaaday Xarunta dhexe ee Qaramada Midoobay Soomaaliya ay ku leedahay,waxayna tacsi u direen ehalada dadkii waxyeelada ka soo gaartay weerarkaasi rasaas isdhaafsigu uu dhexmaray ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kooxihii weerarka soo qaaday.
“Wixii dhacay waxay ahaayeen,wax laga caroodo waan sharaf dhac in xarun bini-adanimo la weeraro,taasina waxay ku tuseysaa inta ay la egtahay Cadowtinimada Mucaaradka”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay wasaarada arimaha dibada dalka Faransiiska.
Dowlada Faransiiska ayaa sheegtay inay qeyb ka noqoneysa dagaalada lagula jiro Ururka dowlada ka soo horjeeda ee Al-shabaab sida warka lagu yiri,waxayna xukuumada dhanka kale tilmaantay inay ka qeyb qaadaneyso tababarada iyo sare u qaadista awooda iyo aqoonta ciidamada xooga dalka Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan xaqiijinta amaanka dalka Soomaaliya.
Sidoo kale Xukuumada Baris ayaa amaantay fal celibnta deg dega ah ay sameeyeen ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka dib weerarka markii dhacay,dagaalna goobta ay kula galeen Al-shabaab oo mudo Xarunta majaraha u hayay.
Arintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo maalintii arbacada ahayd dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab weerar ay ku qaadeen xarunta Qaramada Midoobau ee Muqdisho.