Awdalpress – Muqdisho – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixisay in sahanka shidaalka ee laga sameeyey Soomaliya uu yahay mid rajo fiican laga qabo, Waxana ay sheegtay in uu dalku hagaagayo, maal-gashadayaashuna ay garwaaqsanayaan fursadaha ka jira, Sidaasi daraaddeed ay dowladduna soo dhaweynayso.
In laga soo kabsado colaad muddo 25 sano ah socday ma ahan mid si fudud looga soo kabsan karo. Sharciga iyo nidaam dowladeed dhameystiran waa in dib loo unkamaa. Halka dibu-kabashada dhaqaale uu yahay mid muhiim u ah xasiloonida, Dowladda Federaalka waxay aqoonsan tahay in arimahaas lagu gaari karo hufnaan oo weliba ay ku jirto feejignaan iyo wax wadaag siman.
“Kheyraadka Dabiiciga ah ee Somalia waxay kaalin weyn ka geysan doontaa kobaca dakhliga gudaha ee ay yeelaneyso dowladda Somalia. Waaxaha shidaalka iyo Gaaska waxay noqdeen kuwo si aad ah loo daneeyo, balse kuma deg degeyno heshiiyo wax u dhimaya awoodda dowladda federaalka ee ay ku abuuranayso dakhligeeda,” sidaa waxaa yiri Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Macdanta Somalia.
Sidoo kale, Wasaaradda ayaa sheegtay inay si dhow au ula shaqeyneyso African Legal Support Facility oo ah Waax ka mid ah Bangiga Horumarinta Afrika, si loo sameeyo hannaan xeerar maaliyadeed iyo kuwo sharciyadeed oo gacan ka geysan kara sahminta iyo soo saaridda shidaalka. Waxaan waxba ka jirin wararka sheegaya in heshiisyo aan iska geleyno anagoo indha xiran.
Dowladda Somalia ayaan wax heshiis wadaaga oo ku saabsan wax-soosaarka (Production Sharing Agreement) lama gelin shirkad qudha oo shidaal. Hase yeeshee, shirkadahu waa ay u soo gudbisan karaan dalabkooda dowladda federaalka.
Awdalpress