Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo safar ku jooga degmada Berbera ayaa maanta booqday goobta ay deggen yihiin qaxootiga ka soo cararay dagaallada ka socda dalka yemen ee magaaladda Berbera.
Madaxweynaha ayaa shacabka iyo cid kasta ku boorriyey inay qaxootigaasi wax lala qabto, isla markaana ruux walliba deegaanka uu doonayo loo gaadhsiin lahaa, waxana uu xusay in xukuumaddiisu ka qayb qaadan doonto in qaxootiga Soomaalida ah mid walba la geeyo deegaankiisii.
“Aad iyo aad baannu u soo dhaweynaynaa qoxoontiga dalkayaga yimid ee ka soo cararay dhibaatooyinka Yemen, waajib bayna nagu tahay, oo waa xil na saaran, xil weyna waanu iska saaraynaa inaanu dadka qaxoontiga ah soo dhaweyno, oo u ambabixino guryahoodii wixii aanu u qaban karana u qabano, waxaanu awooddayada kala hadhaynaana ma jiro, Allena ha nagu garab galo” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
Sidoo kale, waxa warbixin madaxweynaha ka siiyey wasiirka dib u dejinta Cali Raygal oo sheegay inay xaruntani uu madaxweynuhu booqday tahay meel lagu nasiyo marka ay dadka qaxootiga ahi dekadda ka soo degaan, isla markaana qof kasta la geeyo halka uu doonayo, kadibna aanu uga sii ambabixinno Dadka deegaannada kale ku Socda.
Wasiirka ayaa sheegay inay dhawr kun oo qof ka soo degeen dekadda Berbera mudaddii dagaalku ka socday dalka Yemen, kuwaas oo iskugu jiray Somali, Yemen iyo Itoobiyaan.
Dhinaca kale, wasiirka Warfaafinta Somaliland C/laaahi Cukuse oo shirjaraa’id ku qabtay Berbera ayaa sheegay in sababta keentay hakadkii ku yimid dadkii saarnaa markabka ay sabab u tahay masuuliyiinta Soomaaliya oo uu sheegay inay siyaasadeeyeen Qaxootigaasi.
Wasiirka oo ka Hadlayey Sababtii ay markabka dushiisa ugu hakiyeen Qoxootigaasi muddo kooban ayaa yidhi “Tashuushkii yimid ee Qoxootiga (Qaxootigii Dekedda lagu Hakiyay) waxaa sababteeda leh masuuliyiinta Xamar jooga oo meel aanay xukumin sheegta, oo meel aan siyaasad laga dayin siyaasad ka dayeya ee yidhi qaxootiga shanta kun ee sadex kun oo ka mid ah Qaabilnay yidhi Annagaa Dekedda Berbera u fasaxnay, inaguna Somaliland ahaan nimankaas oo qudha intaanu u jawaabno kama aamusin ee cadhadii waxa ay in yari ka soo gaadhay daqiiqado in la hakiyo, markab siday tiro yar oo qaxooti ah, balse wax dhibaato ah oo la gaadhsiiyey ma jirto”
Waxaanu intaas ku daray “nimanka xamar jooga waxaan leeyahay Qoxootigaasi daalan ha siyaasadaynina, Naftiina been ha u sheegina iyagana ha Carqaladaynina oo ha sheeganina dekaddo aydaan xukumin”
Dhinaca kale, Madaxweynuhu wuxuu xadhiga ka jaray mashaariic kala duwan oo gobolka laga hirgaliyey, iyadoo ay ugu weyn tahay balaadhinta Dekadda Berbera iyo Shaybaar loo Sameeyey Haamaha Shidaalka oo Shidaal kasta la eegayo Tayaddiisa.
Awdalpress