Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Ma laga yaabaa in Prof. Ahmed I. Samatar waxa uu Xamar ku soo arkay wax ka daran ku soo arki doono somaliland.??

$
0
0

 Dhibta jirta ayaa ah marka Somaliland wax la qaybsanaayo,  beesha dhexe waa wada mujaahid,  way soo wada halgameen,  waa wada waddani,  iyaga ayaa waxkasta xaq u leh, dadka kalana waa faqash,  waa kuwii Siyaad Bare taageeri jiray, waa somaliland diid,  waa Awdalstate,  waa khaatumo state,  waxa ay u socdaan soomaliwayn.  

Balse marka Somaliland ictiraaf loo raadinayo  ama la difaacayo,  dadku waa siman yahay,  waa wada waddani ninna waxba laga ma leh,  SNM iyo Mujaahid wakhtigisii  waa laga soo gudbay  dhulka Somaliland boorama ayaa ugu mudan, waa howgii nabadda, waa hoygii dowladda aan ku najaxnay dhidibada loogu taagay,  waa howgii aqoonta , reer Laascaanood iyagaa la la’yahay ee waxkasta waa loo hayaa ee hayimaadaan,  oo ha qaataan waxkasta oo ay rabaan, ku waasi waa weedhaha isburiya ee  soomaaliland yaala.

 

Hordhac.

Nolosha adduunyadu waa mowjado baxaa dagaya,  oo u baahan in siyaabo fara badan loo macneeyo,  inkasta oo inta macnayn kartaa yartahay.  Haddana aqoon-yahanka fogaaday waa ilayska caalamka,  waa nolosha bulshada(nations),  waa kan innoo macneeya halka aan u socono iyo kalka aan ka nimid,  waa kan innoo tilmaama mowjadaha aan dhex soconno qaabka ugu fiican ee aan u dhex dabbaalan karro. Haddaba bulshada liibaantay waa tan dhagaysata ee ku dhaqanta tilmaamaha iyo talooyinka aqoonyahankeeda. Balse Haddii tilmaantiisa la qaadan waayo maxaa dhaca?  waxaa dhaca burbur qaran,  haddii uu kaasi dhacana waxaa qasab ku ah in aqoonyahanku soo galo siyaasadda si uu ummadda u badbaadiyo markaa waxaa laga yaabaa isaga oo raba inuu umadiisa badbaadiyo inuu la kulmo wax yaaba ka yaabiya,  islamarkaana uu markiiba ka niyad jabo siday wax u socdaan. Haddaba hadduu meeshaa isgaga tago oo u samri waayo malagayaabaa meesha kale ee uu tago inuu ku arko  wax kasii daran oo ka yaabiya ?

 

Ububcda maqaalka

Akristoow waxa aan  wada ognahay in halyeyga soomaliyeed ahna aqoonyahanka caalimaga ah Pro.Ahmed I. samatar uu magalaada muqdisho kala soo kulmay wax siyaasad lagu sheegay oo aad u qaabdaran taasoo dhab ahantii dhaawacday hankiisii ahaa in uu dhulka ka qaado soomaalida dhiigbaxday. Pro. samatar waxaan ognahay in qofkasta oo soomaliyeed oo damiir fiicani uu naftiisa ka jecelyahay ilaahayna u ka baryo inuu bal  mar uun hoggaanka dalka qabto si uu ummadda dulliga uga saaro. Balse nasiib darro maanta maaha maalintii qofka damiirka fiicani ka shaqaynayay siyaasadda soomaliya waa maalin ay shaqeeyaan damiirlaawayaal, wax madaneeyeyaal iyo laaluusha qaatayaal markaa dadku waxay aaminsan yihiin inayna ahayn maalintii Pro. Samatar oo kale siyaasad u tartamilahaa.  Laakiin haddana haddii uu is haysan kari waayey waxa ay u tukanayeen inuu ku guulaysto mayse dhicin. Taasi waxa ay keentay  inuu is yidhaa malaha xagga soomaliland ayuu wanaag jiraa oo aad ummadda wax uga qabankartaa?

 

 

Haddaba somalilanad maxaa yaala? Somaalilanad waxaa yaalla wax ka sii daran waxayaabaha xamar yaala  ee Prof. Samatar  la yaabay dowlad beelo dhisanayaan oo laaluush laysku dooranayo,  hase yeeshee  maanta waxa uu tegey dowlad  hal qabiil  samaystay  oo qabyaaladda iyo caddaalad darrada ka jirtaa aysan meel kale adduunaka ka jirin. Markaad eegto qaab dhismeedka dowladda iyo sida loo qaybiyay kuraasta dowladda Somaliland,  waxaad mooddaa inaan cidkale waddanka degin. wax kasta waxaa isku filaysiisey beesha dhexe oo iyadu sheegata inay waddanka u soo halgantay iyo wax halgan la yidhaahdo oo magacyo badan loogu yeedho ( sida Mujaahid oo macnihiisu yahay ka wax dila, Jabhad SNM iyo wax la mid ah ),  dadka kalena lagu dulmiyo. Dadka fara kutiriska ah ee maamulka Somaliland   (0.05%) ka ah,  ee aan beesha dhexe ahayn ee la shaqeeyaana waa dad aan go’aan qaadan karin, oo aan waxa ay doonaan soo bandhigi karin, haddii ay  fikirkooga tahay iyo haddii ay baahida dadka tahayba , doonisdooda iyo shaqadoodaba aan midnaba xor u ahayn. Dhibta jirta ayaa ah marka wax la qaybsanaayo beesha dhexe waa wada mujaahid  way soo wada halgameen waa wada waddani iyaga ayaa waxkata xaq u leh, dadka kalana waa faqash waa kuwii Siyaad Bare taageeri jiray waa somaliland diid waa Awdalstate waa khaatumo state,  waxa ay u socdaan soomaliwayn.  Balse marka Somaliland ictiraaf loo raadinayo  ama la difaacayo dadku waa siman yahay,  waa wada waddani ninna waxba laga ma leh,  SNM iyo Mujaahid wakhtigisii  waa laga soo gudbay  dhulka Somaliland boorama ayaa ugu mudan waa howgii nabadda waa hoygii dowladda aan ku najaxnay dhidibada loogu taagay,  waa howgii aqoonta , reer Laascaanood iyagaa la la’yahay ee waxkasta waa loo hayaa ee hayimaadaan,  oo ha qaataan waxkasta oo ay rabaan, ku waasi waa weedhaha isburiya ee  soomaaliland yaala.

 

Dhanka kale waxaa jirta dhibaatooyin ku waas  kasii daran  waxaa ka mida  isku dhaca beelaha  tusaale ahaan hadii beesha dhexe ay beelkale isku dhacaan waxay ciidamada soomaliland sitoos ah ula safdaan beesha dhexe matalan waxaa jirtay dad dhowr jeer si islaanimada ka baxsan lo laayay ku waas ka soo jeeday G/awdal  laguna laayay Gabiley agagaar keeda qaar iyaga oo safara oo jid socda ayaa lalaayay halka qaarkalana iyaga oo habeen iska hurta oo nabad ku seexday lalaayay.  Hadaba reerhihii dadka laga laayay dhowr jeer ayay isku dayeen inay aargoostaan gaar ahaan nimankii lagu laayay seemaal (ceelbardaale) laakiin waxaay si cad ula safdeen ciidamadii somaliland beesha dhexe waxayna hubka ka dhigeen oo ay xadhig ilaa hargaysa ahna ugu dareen ku wii lahaa waan aarsanaynaa  hadkaa siyaabaha kala duwan loolaayay ilaa hada cidna looma qaban magna lagama bixin xataa waxaa jirta in ciidamada soomaliland qofka ay reer awdal u kartaan ee hadal ku soo celiya in ay si badheedha utoogtaan waxna aan laga waydiinin somaliland ka hor may dhicin inta qof reer awdal ah la dilo inaan waxba layska waydiin somaliland ka dibna ma dhici toonto. Waxaa kale oo ka mida arintii kaalshaale ee barkadaha labada beelood isku dagaleen taasoo uu dagaalku markii danbe isku badalay ciidamada soomaliland iyo dadkii dhulka lahaa. Waxakale oo intaas dheer cuna qabatay dhaqaale oo saaran Gobolada Awdal iyo Salal garahaan dekadaha yar yar ee saylac iyo lughaya ku waas oo laga soo dajiyo shidaal yar oo jirikaano ku jira islamarkaana 5 KM lala soo dhabaasho bada dhexdeeda. Waxa sidaa loogu rafaaday ee u yar ee dadka nafdu baday ayaa hadana inta bebera lagu cashuuro libinlaabkeed lagu cashuuraa waa wax lala yaabo bulshada kunool awdal iyo salal habeen iyo dharaarba way ka qaylyaan cid hadalkooda wax ka soo qaadana ma jirto. Waxaa kale oo jira dhibaatooyin aan la tirin karin oo ay ka mid yihiin dhulboob ka kajira Gobolka awdal kaa soo ka  soo bilaabmay 1991 oo ilaa hadana socda.

 

 

 

Haddaba haddii Prof. Samatar Xamar siyaasad xumo ku soo arkay.  waxaa la hubaa in uu Hargaysa ku arki doono midka sii xun. Dadka reer Awdal ee Ilaahay kartida, aqoonta  iyo asuubta ku manaystayna waxa ay u samraan xaalad kasta oo qalafsan oo ay ku jiraan amma ay soo mareen, dhibkasta oo loo gaystana waxa ay u dhigtaan maalinta jaaniskoogu yimaado  Somaliland waxa ay u arkaan wax beeli iska leedahay  oo aan cid kalena  waxba looga ogolayn Prof. Ahmed Samatarna way tuseen in aanay wax Somaliland la yidhaa oo ay taageersanyihiin aanay jirin waayo tan iyo maalinkii uu Prof. Samatar ka soo degey Bebera waxaa sanka laga galinayay oo lala daba yaacayey oo lala horyaacayay calanka soomaaliland, laakiin maalintii taariikhda gashay ee boorama lagu soo dhaweeyay Professorka hal qof ma sidan calanka soomaliland, taasi oo ahayd  farriin la yaab leh oo ilbaxnimo ku dheehantahay.

Guntii iyo Gabagabatii  iyo farriin ku socota Pro Samatar.  Ummadda soomaaliyeed ee damiirka fiicani waxaa maanta soo foodsaray walwal aad u wayn kaasi oo ku wajahan Pro Samatar waxa ay ka baqayaan inay waayaan kii u hadli jiray , kii u damqan jiray kii tuugta tooshka ku ifin jiray ee runta sheegi jiray. Dadka ku nool qurbaha gaar ahaan Yurub iyo America  goobaha ay isgugu yimaaddaan waxaa hadheeyay doodo la yaab leh dadka qaar ayaa aaminsan inuu Prof. Samatar cadhooday oo uu rabo hadda inuu Soomaliland u ololeeyo oo uu ka soo horjeesto wada jirka ummadda soomaliyeed dadka kale oo ah 70% waxay leehihiin Prof. Ahmed I Samatar waa geesi Soomalinimadu ku weyntahay hankiisa iyo hammigiisuna way ka weynyihiin somaliland. Haddaba Pro. Samataroow  ummadda  aad ka soo jeeddo iyo ummadda soomaaliyeedba  waxa ay ku leeyihiin haka dagin faraska Soomaaliweyn,  waayo sharafdaada ayaa ku jirta sharafda ummaddaada ayaa ku jirta.  Haddaad hadafkaaga gaadhana waa guul u soo hoyatay  adiga iyo ummadda soomaalilyeed haddii ka hor wadku ku qaadana magac iyo sharaf ayaad ka tagtay mida kale marka miisaanka lagu saaro aqoon ahaan iyo aqli ahaanba waxaa ku saaran waajib aan dadka kale sarayn oo ah inaad ka dhabayso VISION kaaga ah  inaad aragto soomaali oo mid ah oo ku faanta dalkeeda , dowladeeda, dadkeeda, aboodeeda iyo horomarkeeda.taas ayaa cadaalad lagu gaadhi karaa waxii ka sokeeyaa waa qabiil qabiilkale dusha ka saaran in cadaalad la helaana waa wax aan waligeed dhicikarin.

Ahmed Sheikh Mohamed

Sweden Örebro

Ilays3392@hotmail.com

 

Qoraalkan waxa mas’uul ka ah qofka ku sexeexan.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles