Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Hoggaamiyihii al Qaacida ee Yemen oo la Dilay

$
0
0

hoggaamiyaha Al QaidaAwdalpress – London – Ururka al-Qaacida ayaa maanta sheegay in hoggaamiyaha ururkaa ee garabka Yemen Nasir al-Wuhayshi lagu dilay weerar gantaal oo diyaaradda Drone-ka ee Maraykanku ay fulisay toddobaadki hore.

War-saxafadeed muuqaal ah oo ururku soo saaray ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uu Jimcihii ka dhacay magaalada dekedda ah ee dhinaca koonfur Bari ee Mukalla, waxaan sidoo kale ku dhintay 2 qof oo kale. Ururka al-Qaacida ayaa Qassim al-Rimi waxay u dorteen inuu noqdo hoggaamiyaha cusub ee al-Qaacidada gacanta Carbeed .

Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay Isniintii shalay inay xaqiijinayaan dhimashada Wuhayshi, manay sheegin in CIA ay ka danbeyso weerarkaasi iyo inkale.

Wuhaysi wuxuu ahaa ku xigeenka hoggaamiyaha ururweynaha al-Qaacida Ayman al-Zawahiri, isaga oo wakhtina gacan yare u ahaa hoggaamiyihii hore ee al-Qaacida, Osama bin Laden. Wuhayshi ayaa noqday madaxa al-Qaacida ee Jaziiradda gacanka Cadmeer 2009, waxaana Maraykanku ku tilmaamay inay yihiin garabka ugu halista badan.
AQAP, ayaa waxay fulisay shirqoollo dhowr ah oo ka dhan ah reer Galbeedka, oo uu ku jiro iskudaygii la doonayay in lagu qarxiyo diyaarad Maraykanku lahaa, maalintii Masiixiga ee sannadkii 2009.

Bishii January ee sannadkana AQAP waxay sheegatay mas’uliyadda weerarkii lagu qaaday wargeyska Maadeyska ee Charlie Hebdo ee magaalada Paris.

 VOA


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images