Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Wargeyska Indian Ocean Oo Warbixin Ka Qoray In Dowlada Muqdisho Wiiqday Siyaasadii Somaliland Dibad iyo Gudaba .

$
0
0

xasan iyo siilaanhyoWargeyska aadka loo akhristo ee Indian Ocean newsletter ayaa cadadkiisii u dambeeyay ee bishan soo baxay wuxuu qoray warbixin uu kaga hadlay dagaal wejiyo badan oo uu Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku soo qaadayo Somaliland iyo Madaxweyne Siilaanyo.

Wargeyska oo soo xiganaya ilo ka tirsan golaha wasiirada Somaliya, wuxuu sheegay in Xasan Sheekh uu doonayo inuu joojiyo wada hadalka ay dawladiisu kula jirto dawladda Somaliland oo muddooyinkan dambe dhutinayay, isagoo sida uu wargeysku sheegay  ka faa’iidaysanaya kala fogaanshe uu sheegay inuu ku yimid Madaxweyne Siilaanyo iyo reer galbeedka ka dib muddo kordhintii ay guurtidu u samaysay. Warbixintu waxa kale oo ay sheegtay in Xasan Sheekh uu ka baaraan degayo inuu aqoonsado Maamulka  Khaatumo ee Somaliland ka soo horjeeda  si uu u qaso siyaasadda gudaha ee Somaliland.

Wargeyska oo sidoo kale soo xiganaya ilo wasiiro ah oo ka tirsan dawladda Somaliya, wuxuu sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Somaliya Cabdisalaan Hadliye uu bishii hore ee May afarteedii kulan qarsoodi ah la yeeshay  siyaasiyiin ka soo jeeda gobalada Awdal, Sanaag iyo Sool. Waxa kale oo uu wargeysku sheegay in Wasiirka arrimaha gudaha Somaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen uu isna Somaliland ku eedeeyay inay dhibaato ku hayso Maamulka  Khaatumo. Talaabooyinkan ay dawladda Somaliya qaaday wuxuu wargeysku ku macneeyay inay uga dan leedahay inay meel isugu keento canaasiirta Somaliland diidka ah si ay u wiiqaan Somaliland iyo siyaasadda madaxweyne Siilaanyo.

Waxa kale oo uu Wargeysku sheegay in Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu siyaasadahan ku waajahan Somaliland uga dan leeyahay sidii uu tallo iyo saamayn ugu yeelan lahaa heshiisyada shidaal iyo dekedda Berbera ee ay dawladda Somaliland kula jirto dawlado iyo hay’ado caalami ah.

Ka sakow warbixinta uu wargeyskani daabacay waxa muddooyinkii u dambeeyay soo baxayay warar sheegaya in Madaxweynaha Somaliya uu Somaliland ku hayo dagaal diblomaasiyadeed, isagoo xidhiidho cabasho ah la sameeyay wadamo dhawr ah oo Somaliland la leh xidhidho diblomaasiyadeed, kuwaas oo uu ka dalbaday inay joojiyaan macaamilka ay la leeyihiin Somalilandhttp://www.africaintelligence.com/ION/politics-power/2015/06/12/mogadiscio-tries-to-destabilise-silanyo,108077666-ART

http://www.africaintelligence.com/ION/politics-power/2015/06/12/mogadiscio-tries-to-destabilise-silanyo,108077666-ART

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images