Boorama (Awdalpress) Maalmahan waxaa ku habsadey magaalada Boorama biyo yaraan baahsan taasi oo gaadhay in ay xaafadaha qaarkood ay mudo labada tdobaad ah aanay biyo helin taasi oo dhibaato badan keentey iyada oo magaaladu markii hore biyaha ay u heli jireen sida dur durka oo qof waliba xaafadiisa ama tan u dhaw ka darsan jirey.
Biyo la’aantan katiska ah waxa ay keentey in ay hada waayaan dadku meel ay biyo ka helaan oo u diyaarsan xaaldahan oo kale sida ceelal gaar ah ama kiyoosyo laga dhaansado biyaha ama Booyado kuwaas oo markii habka biyaha magaalada la wanaajiyey laga guurey oo aanay jirin maanata cid isticmaasha booyad ama meelo si kale biyo looga heli karo.
Masuuliyiinta shirkada SHABA ee maamulaha biyaha ilaa hada waxa ay sheegayaan in aaney jirin waxa isbadal ah oo biyo yaraan ah oo ay dareemeen ayna soo saaraan intii ay horeyba u soo saari jireen ayna u malaynayaan roob la’aanta iyo isticmaalka biyaha oo batey in ay keeneen in la is gaadhsiin waayey biyaha magaalada.
Waxaa meesh ka maqan qorshe lagu badbadaadin karo biyo yaraanta baahsan ee ku dhacdey magaalada Boorama.
Waxaad ku arkaysaa suuqayada iyo xaafadaha magaalada baabuur yar yar, dameero iyo dadka oo gacantooda isticmaalaya oo sida Jeerikaano si ay meel uun biyo uga soo helaan taasina ay keentey in ay meelo fog fog biyo u toon taan inta badana aanay ka helin wax biyo ah.
Waxa ay ku tilmaamayaan khubarada bihuhu in heerka kulaylka oo kordhay ay keeneen in isticmaalka biyuhu ka bataan intii hore loo isticmaali jirey taasinsa ay keenayso laban laab in ka badan in la soo saaro hadii ay taasi dhici waydana biyo la’aantu waa hubaal in ay sidan ka sii dari doonto.






