Cismaan Axmed Xasan (Cismaan Indhoole) oo ahaa badhasaabkii ugu horreeyey ee Hargeysa markii gobannimada la qaatay, ayaa ka hadlay sidii uu xilkaas u qabtay iyo xornimadii 26-ka Juun 1960.
Cajeled uu Cismaan duubay 27-kii Julay 2006 oo nuqulna uu xilligaas iga siiyey, ayuu kaga warramay taariikhdiisa oo aad u xiiso badan. Cajeladdaas ayaa waxa aan ka soo garoocay dheeg ku saabsan dharaarihii xorriyadda 26-ka Juun ee 1960, maadaama aynu ku jirno bisha oo 26-keedu ku beegan tahay 55 guuradii ka soo wareegtay maalintii gobolladii Waqooyi ka xoroobeen gumaysigii Ingiriis.
1956 ayaa waxbarasho la iigu diray Edinburgh. Waxa aannu wada soconnay Axmed Maxamed Aadan Qaybe (AHUN). Waxa la yidhi waxa aad qaadanaysaan shahaado maamulka ah (Certificate in Administration). Waxa aannu nidhi taas ha na laga daayo, waayo saddex kooxood oo naga horreeyey waxa ay soo qaateen Diploma. Waxa raggaas naga horreeyey ka mid ahaa Cabdiraxmaan Caabbi, Anthony Mariano iyo Iimaan Maxamed. Halkii baannu baadhitaan samaynay oo ku ogaannay in Oxford lagu bixiyo diplomada. Iyadii baa na loo oggolaaday oo Oxford baa na loo soo wareejiyey.
1959 ayaannu soo dhammaysannay waxbarashadii. Waxa aannu ku soo laabannay waddankii oo kulul oo xornimadii la doonayo. Aniga waxa la iga dhigay DC-ga Ceerigaabo. Anthony Mariano ayaa iiga horreeyey oo isna Hargeysa loo soo beddelay. Ceerigaabo aniga oo ka madax ah ayaa waxa yimi horraantii Feb 1960 badhasaabkii waddanka xukumayey oo kolba meel kormeeri jirey. Waannu is raacnay. Waa jiilaal. Waxa aannu soo marnay Maydh, Xiis iyo dhulka la mid ah. Waxa uu ii sheegay in Ingiriis doonayo in uu dalka nagu soo wareejinayo. Hab-raaca Ingiriiska ee maamulku waxa uu ahaa in sida loo kala sarreeyey jagooyinka la isu siin jirey.
Xagga maamulka ragga ku jira saddex nin baa aniga iga horreeyey. Anthony Mariano, Cabdiraxmaan Caabbi iyo Cabdirixiin Caabbi. Labada ilma Caabbi Faarax waxa ay yidhaahdeen maamulkan iyo rabshadihiisa dooni mayno. Anthony Mariano iyo maamulku na siyaasaddii baa la isku nacay oo isku ma san bannaana. Markaas waxa uu igu yidhi waxa laga yaabaa in adiga lagaa dhigo guddoomiyaha ugu horreeya. 17-kii Feb 1960 waxa dhacday doorashadii ugu horraysay. April ayaa anna Burco la iiga dhigay DC. Juun markii la goostay in dalku 26-ka Juun 1960 xoroobayo ayaa Hargeysa la ii soo beddeley. Waxa na la iga dhigay Badhasaabkii ugu horreeyey. Jagada Soomaalidu aadka iigu tilmaantaa na waa taas.
26-kii Juun ayaa la i magacaabay. Waxa ku xigeen ii ahaa Axmed Jaamac Cabdillaahi. Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) waxa uu isna Burco ka noqday DC. Ra’iisal wasaare na waxa loo magacaabay Maxamed X. Ibraahim Cigaal. 29-kii Juun 1960 xubnihii barlamaanka ee la doortay iyo dhammaan siyaasiyiintii waxa aannu isku shubnay Muqdisho annaga oo diyaarad gaar ah wadanna.
Xubnihii barlamaanka iyo siyaasiyiinta waa la sugayey oo qaar ba qolaa kaxaysay, anna waxa aan ku degey badhasaabkii gobolka Banaadir, Cali Cumar Sheegow, oo aan marti u noqday. 1-dii Julay waxa dhacay dabbaaldeggii oo qolyihii Soomaaliya ee aannu u tagnay sameeyaan. Dabbaaldeggaas Somaliland shuqul kuma lahayn. Jaamac Cali Qoorsheel oo booliska Somaliland madax u ahaa oo jidka soo socda ayaa nimaan la baxay Great oo dawaladda ka soo horjeedaa heleen. Markii ay aqoonsadeen ayay yidhaahdeen kani waa Somalilander ee inaga sii daaya, kuwii kale ee ay qabteenna qaar bay ka laayeen. Dabbaaldeggii ka dib waxa shiray baarlamaankii. Kii waqooyigu hore ba midnimo iyo isku darsi buu Hargeysa ku soo guddoonsaday. Waxa ay ahayd in labada barlamaan midnimada ka wada hadlaan oo barlamaamka Soomaaliya na sida ka Somaliland midnimada guddoonsado. Hase yeeshee taasi ma dhicin.
Barlamaanka Soomaaliya wuu is haystay. Iyada oo sidii la isku haysta na waxa la yidhi aynu madaxweyne dooranno. Reer Soomaaliya markaas waxa ay soo
goosteen in Aadan Cabdalle Cismaan (Aadan Cadde) AHUN madaxweyne noqdo. Innagu na (Somaliland) taas ay soo goosteen baynu iskaga raacnay. Isagu na waxa uu ra’iisal wasaare u magacaabay Cabdirashiid Cali Sharmarke (AHUN). Anigu 3-dii Julay ayaan Hargeysa ku soo noqday oo aan dawlad gooni ah ku ahay. Sept 1960 ayaa Cabdirashiid ila soo xidhiidhay oo yidhi waddanka ayaan imanayaa. Waa loo diyaar ahaa oo waa la soo dhowaynayey.
Xisbigii NUF ee Maykal Mariano oo doorashadii wax tirsanayey ayaa ka mid ahaa dadka wax ka soo dhowaynayey. Marka madaarka laga soo dego waddada dheer ee ka timaaadda ayay dhinacyadeeda is tubeen, markii uu ra’iisal wasaaruhu ku soo dhowaadey na qolyihii NUF-tu dhabarka ayay u jeediyeen. Qolyihii kale na (SNL) sacabbaday u tumayeen. Berbera iyo Burco ayuu tegey. Wuu ka noqday.
Dabayaaqadii Nov 1960 ayaa waqooyiga loo soo diray afar sarkaal oo kala ahaa Maxamed Caynaanshe oo kornayl ah, Cismaan Sukarow, Cabdiillaahi Yuusf oo Captain ah iyo Captain Raajis nin la yidhaah oo sirdoonka ahaa. Ingiriisku Dec 1960 ayay waddanka ka tageen. Lix bilood ayay ina siiyeen cid inna la joogta milateriga, dhakhtarka, sibilka iwm. Markii ay baxeen ayaan lix dhakhtar Hindiya ka soo qoray oo dad badani ku faa’iideen.
Captain Raajis ayaa ii yimid oo sida telegram af Talyaani ku qoran oo ra’iisal wasaaruhu soo diray. Waxa uu yidhi maxaad kala socotaan markab Berbera jooga oo hub Masar ka yimi saaran yahay. Waxa aan ku idhi “wax ba!” Waxa Jabuuti ka dagaallamayey Maxamuud Xarbi iyo rag la socda. Waxa la doonayey in halkaas hubka Jabuuti laga geliyo. Waxa markabka la socday nin la yidhaahdo Cabdicasiis Dakharre oo macallin ahaa. Noo ma sheegin annaga. Xamar ayuu tegay oo ka warramay.
Markabkii shaw digniin buu isaga ka helayoo inta uu habeen gudey oo hubkii soo daadiyey ayuu isaga oo faaruq ah soo laabtay. Aroortii dambe ayaa la
baadhay, wax ba na waa laga waayey. Wax muhandis (Injineer) ah waxa waddanka joogey Cali Sheekh Maxamed Jirde. Captainkii markabka iyo qunsulkii Masaarida oo markaas Hargeysa joogey ayaa qaylo keenay oo yidhi “ maxaa markabkayaga loo baadhayaa?” Maxamuud Xarbi oo arrinta wadey na diyaarad ayaa Lebanon kula burburtay isla ayaamahaas, arrintaasna waan xasuustaa oo la ma sii wad wadin.
Waxa kale oo aan xasuustaa 3-dii Julay iyada oo booliiska na uu haystay Jaamac Maxamed Qaalib, in saddex nin oo Somalilanders ah oo Jabuuti ka soo baxsaday dib loo celiyey, iyada oo la raacayo heshiiskii u dhexeeyey Ingiriiska iyo Faransiiska ee ahaa in labada dhinac isu celiyaan dembiilayaasha dhinac ka soo carara ee dhinaca kale ku soo eerta in ay dembiyada loo haysto la soo hoos galaan. 1962 ayaa danjire la iiga dhigay Paris, waddanka Faransiiska oo aan wasaaradda khaarajiga ku wareegay.
Cismaan Axmed Xasan (Indhoole) waxa uu ku dhashay Sool-qori-jab oo ka mid ah degmada Laascaanood 1924. Magaalada Cadan ayuu waxbarashada hoose/dhexe ku qaatay 1933 – 1939. Waxa uu ka mid ahaa qolyihii SNM ka abaabulay Sacuudi Areebiya dabayaaqadii 1970-aadkii iyo horraantii 1980-aadka. Waxa uu ahaa wakiilka Somaliland u fadhiya waddanka Ingiriiska. Hadda waxa uu safar ugu maqan yahay waddankii. Taariikhdiisa oo hodan ah, xiisa badanna leh mustaqbalka ayaan idin la wadaagi, haddii alle oggolaado.
Tafatirkii: Maxamed Baashe X. Xasan mohamedbashe@hotmail.com
facebook.com/baadisooc





