Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Jawaab ku socota Yusuf Garaad Omer

$
0
0

Usbuucan aan soo gudubnay, waxa aan shabakadda boramanews.com iyo meela kaleba kala kulmay laba maqaal oo Yusuf Garaad  ka kala qoray Prof. Ismail Buubaa oo la hadal hayo in uu ka soo quustay siyaasaddii Somaliya, una soo guryo hoyday sidii uu ula shaqayn lahaa dadkiisa iyo dalkiisa Somaliland. Waxa kale oo uu isna qoraal ka qoray Prof. Ahmed Samatar oo hore uga soo diga rogtay ka shaqayntii isku haynta Somaliweyn, xilliganna u ololeeya sidii loo aqoonsan lahaa Somaliland. Qoraalkiisaasina waxa uu ku qotomaa dood dhawaan lagu qabtay Maraykan oo ka qayb galay Prof. Samatar isla markaana ku dhammaatay muuqaal aan wanaagsanayn.

Haddaba markii aan aad ugu kuur galay qoraalladaa, ee aan weliba dhinacyo badan ka eegay ayaan anna go’aansaday in aan qalinka u qaato jawaab ama ula egtayda inta aan Garaad ku raacsanahay iyo inta aan kaga geddisanahay, labada maqaal ee uu labadaa aqoon yahan ka qoray oo mawduucyadoodu kala ahaayeen: Buubbaa oo Calankiisa Beddelay iyo Saaddiq iyo Samatar.

Yusuf Garaad waa kuma?

Yusuf waa nin qoraa ah oo fahma badan, badanaa maalin walbana wax buu qoraa sida ka muuqata boggiisa blogerka ee cinwaankiisu yahay ( http://yusuf-garaad.blogspot.co.uk/ ) iyo barta uu ku leeyahay facebook-ga. Inta aan ka arkay qoraalladiisa waxa uu Yusuf wax ka qoraal dhacdooyinka maalin laha ah, sida; Arrimaha Bulshada, munaasabadaha waddaniga ah, Maamul goboleedyada, siyaasadda degellada Somaliyeed iyo siyaasiyiinta,  isaga oo weliba adeegsanaya waaya aragnimada uu u leeyahay saxaafadda ayuu isku dayaa in uu si kooban kalmaddiisa uga yidhaa kolba mawduuca uu ka hadlayo.

Aqoon badan uma lihi Yusuf Garaad, xilligii uu jaamacadda ummadda Somaliyeed ku jirayna waxa aan coordinator ka ahaa maktabadda Jaamacaddii Ummadda,  aqoonse xilligaa uma lahayn.  Laakiin intii uu laanta afka Somaliga ee BBC London uu joogay waxa aan ku kulannay goobo dhawr ah, oo ay rag aqoon yahanna ah sida Prof. Ahmed Samatar oo kale ay ka hadlayeen oo uu qaarkood xidhiidhinayey iyo xaflado Bulshada Somalida Ingiriisku isugu timid London. Dhawr goor oo kalena waxa aannu kuwa sheekaysannay khadka telefoonka oo aan xilliyada qaar aad ugu dheerraannay. Sida dhawaqiisa iiga muuqatayna waxan u arkayey nin qaddarin badan, oo xidhiidhka dadkana aad u jecel.

Dhinaca aqoontiisa sida aan kala kullmay barta uu ku leeyahay facebook giisa ama la ii sheegay, waxa uu wax ku bartay dalka Somalia, saxaafaddana isaga oo arday ah ayuu idaacadda Muqdisho ka shaqayn jiray, laakiin waxa uu Jaamacadda Ummadda ka baran jiray may ahayn saxaafad, ee sida la ii sheegay waxa uu ku jiray qaybta Luqadaha. Kadib markii uu dalka Ingiriiska yimidna waxa uu news reader ka noqday laanta Afka Somaliga ee BBC London. Halkaasi oo uu ugu danbayntii ka gaadhay madaxa laantaasi. Waxa kale oo uu facebook giisa ku soo qoray in uu wax ka bartay  jaamacad ku taalla dalka Maraykan  The Fletcher School of Law and Diplomacy. Ma arkin meel uu saxaafadda ku bartay. Waxase aan qoraalladiisa ku yaalla shabakadaha ku arkaa iyada oo loogu yeedhayo nin khabiir ku ah saxaafadda.

Habka qoraalladiisu waxa ay had iyo jeer ku eg yihiin aragtidiisa, mana arag qoraal uu si cilmiyeysan u qoray, oo tixraac leh ama uu ka soo dheegto buug kale ama joornaallo kale. Luqadda uu wax ku qoro ee Somaligana kuma arag qoraallo muujinaya in uu qani ku yahay dhinaca luterature ama Suugaanta, waxana uu wax ku qoraa luqad fudud oo aan ku cuslayn dadka reer magaalka ah. Taasina waxa ay ii moojisay in uu magaalo ku kor yahay.

Dr Ismail Buubaa iyo Dr. Ahmed Samatar muxuu ka qoray?

Haddii aan ku horreeyo qoraalka uu ula baxay Buubbaa oo Calankiisa Beddelay. Oo uu rabay inuu kaga faalloodo isbeddelka siyaasadeed ee la sheegay in Dr. Buubaa ku yimid siyaasaddiisii ahayd in uu la shaqeeyo dawladda Somalia, haba yaraatee qoraalkaa kuma arag xaqiiqooyin uu ka hayo Dr Ismail Buubaa ama uu meelo kale ka helay. Badina qoraalkiisa waxa uu ku hagoogay sheeko xariir iyo aqoonta ay isku lahaayeen. Kulammo dhawr ah iyo waraysiyo uu la sheegay wakhtigii uu Laanta Afka Somaliga ee BBC-da u shaqaynayey.

Bal haddan inahan qoraalkiisa aan ka soo qaata ila eega:

Goobtu waa Djibouti. Waa garoonka dayaaradaha Ambouli. Waa bisha April sannadkuna waa 1994. Kulaylka ayaa soo yara billaabanaya. Waa aroor hore. Waxaan ka imid London inkasta oo aan markaa magaalada dhowr maalmood joogay.

 

Waxaan goobta isku aragnay Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubbaa wasiirka maaliyaddana ka ahaa Somaliland.

 

Wuxuu ii saray in war weyn oo xagga Somaliland ahi uu jiri doono. Inkasta oo aan aad isugu deyay in uu faahfaahin i siiyo, haddana wuxuu ku gaabsaday in uu warka ku dhawaaqi doono Guddoomiyaha SNM, Cabdiraxman Axmed Cali, waa Madaxweynihii koowaad ee Somaliland markii ay gooni isu taagtay. Waxaan weydiistay in aan la kulmi karo Cabdiraxman Axmed Cali. Wuxuu ii sheegay in uu hadda ka dhoofay garoonka oo uu qabtay Addis Ababa. Halkaas oo uu kaga dhawaaqi doono warka oo ah mid aad u culus.

 

Waxaa maalmahaa Djibouti joogay Maxamed Faarax Caydiid. Waxaan soo xusuustay in Caydiid ay toddobaadkii hore isku soo arkeen Addis Ababa Hoggaamiye Kooxeedyo dhowr ah oo uu ka mid yahay Cabdullaahi Yusuf oo markaa madax ka ahaa Gobollada Woqooyi Bari. Wuxuu ahaa safarkii ugu horreeyay ee Caydiid uu Dibadda u soo baxay ka dib markii uu Mareykanku ka joojiyay duqeyntii iyo baadigoobka dagaalkii la baxay Blackhawk Down. Caydiid oo baqdin ka qabay Mareykanka ayaa diiday shir ka dhici lahaa Addis Ababa in uu ka qeyb galo. Dayaarad khaas ah oo loo diray ayaa waxaa wadajir u raacay Wasiir Ethiopian ah iyo Cabdullaahi Yusuf Axmed si ay uga soo qanciyaan in uu shirka ka soo qeyb galo. Wuuna soo raacay.

 

Qoraalkaa tirada badan waxa u arkaa uun in uu yahay sheeko xariir, haddii aad inta kale sii akhridana waxba isma doorshaan inta aad halkan ku aragtay.

Ugu danbayntiina waxa uu qoraalkiisaasi ku soo gunaanaday sidan:

2015

 

Hadda Salaadda subax inta aanan tukan ayaan dhegeystay wareysi taariikhi ah oo uu Ismaaciil Buubbaa siiyay Horn Cable. Wareysiga waxaa si wanaagsan u qaaday weriye Cali-Seenyo, oo ah nin cod kar ah.

 

Waxaan ka fahmay in Ismaaciil Buubbaa uu hadda ka noqday go’aankii uu in ka badan 20 sano ka hor waa April 1994 uu iigu sheegay garoonka dayaaradaha ee Djibouti.

 

Wuxuu si codkarnimo leh uu u fasiray sababta uu uga guurayo Muqdisho oo uu u qabanayo Hargeysa, isaga oo calankana beddelanaya.

 

Ismaaciil Buubbaa wuxuu ka gaabsaday in uu afka si buuxda ugu ballaariyo laakiin wuxuu erayo kala duwan ku sheegay in nidaamka Federaalku qaabka uu ku socdo aanuu isaga ugu muuqan mid haya dhabbihii lagu dhisi lahaa Qaran Soomaaliyeed oo hana qaada. Welibana uu halis u yahay in Soomaaliya uu u horseedo in ay kala burburto, oo ay noqoto dowlado yar yar oo iyagu isu cadow ah iskuna mashquulsan.

 

Anigu waxaan qabaa in Buubbaa go’aankiisa lagu qaddariyo. Soomaali guud ahaan, keennii jecleysta iyo midkeennii aan jecleysanba waxaa ila habboon in aan ku qaddarinno aragtida iyo go’aanka uu shakhsi ahaan u qaatay Ismaaciil Buubbaa.

 

Waxaanse qabaa in si aan laab-la-kac ahayn u faaqidno oo u miisaanno sababaha uu noo sheegay iyo sababaha kale ee muuqda laakiin aanuu carrabka ku dhufan.  Waxaan qabaa in aan wax iska weydiinno habka Federaalka. Waxaan qabaa in aan wax iska weydiinno dhaliisha uu u jeediyay Somaliland oo uu ku tilmaamay in dooddeedu ay ku saleysan tahay taariikh ee aanay mustaqbal ku saabsaneyn. Waxaan qabaa in aan wax iska weydiinno Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee uu ku tilmaamay in ay oggol yihiin in la noqdo laba dal.

 

Ismaaciil calanka wuu beddeshay, hase yeeshee waa Soomaali, waa waaya arag, waa siyaasi miisaan leh, wuxuu ka dhawaajiyay waxyaabo Muqdisho iyo Hargeysaba aan weli si wanaagsan looga doodin. Waxaan qabaa in aan dooddaas hore u sii wadno. 

 

F.G. Dadka dhintay ee aan qormadeyda ku soo qaaday Allah ha u wada naxariisto.

 

 

Markii aan dhammeeyey akhriskii qoraalkan ee ayaan is idhi, malaha sidan kuma dhammays tirra, ama wax baad ka boodday, ayaan dib ugu noqday in aan mar kale akhriyo. Waxanse arkay in aanu Yusuf waxba sheegin ee uu taariikh kale uun gacan togleeyey. Qoraalkiisuna laba isku darsaday:

 

  • Qoraalka iyo mawduuca oo aan is lahayn.
  • Ujeeddada qoraalka oo aan la fahmayn.
  • iyo dhammaystir la’aan ka muuqata qoraalka iyo faallada Yusuf.

 

 

Yusuf Garaad muxuu ka yidhi Dr. Ahmed Ismail Samatar?

Intii ka horreysey doorashadii Madaxweynenimo ee loo galay tartankii Madaxweynaha Somaliya sannadkii 2012. Ee Prof. Ahmed Samatar iyo Yusuf Garaadba isa soo sharraxeen.

doorashadii Madaxweynaha Somalia

 

 

 

Waxa la hadal hayn jiray in Yusuf Garaad uu u ololayn doono Dr. Samatar. Had iyo jeerna waxa uu muuqaalkoodu ahaa rag isku aragti iyo siyaasad dhaw. Inkasta oo ay dad kale oo labadaba yaqaannaa ay odhan jireen, Yusuf Garaad waxa uu Samatar ula socdaa in uu isku dhiso, oo isaga ayaa damac leh. Prof. Samatarse waxa uu Yusuf u haystaa in uu ka mid yahay saaxiibbada laf dhabarta u ah ee uu isku hallaynayo, marka ay timaaddo wakhtiga doorashada.

 

Hase yeeshee, Prof. Ahmed Samatar waxa uu Yusuf iyo rag kale oo reer koonfureed ahba uu ka bartay casharro badan oo u quus gooyey in uu dib u aammino, taasina waxa ay Prof. Samatar kalliftay in uu mar kaliya isku soo dhiibo Somaliland, ciilkiina uu dil dillaaco.

Laakiin Prof. Ahmed isaga oo quus ka soo qaaday dhaqanka iyo siyaasadda Somalida koonfureed ayaanu haddana marnaba iska fogayn kuwa doonaya in ay ka aarsadaan, ee shirqoollada la daba jooga. Waxana uu dhawaan isku dhex arkay isaga oo badhtanka ugu jira arrin mu’ammaraad ah oo lagu sheegay dood,  taasi oo ugu danbayntii ku dhammaatay fadeexad, weliba isaga eedda la saarayo.

Yusuf Garaadna isaga oo sida caadada u ah ka faa’iidaysanaya dhacdadaasi ayuu maqaal uu ugu magac daray  Saaddiq iyo Samatar. Uu soo dhigay baraha InterNetka iyo shabakadaha. Waxana qoraalkiisaasi daarranaa dhalliil, garnaqsi iyo sida ay ula muuqato ee dooddu ku habboonayd.

Ninka doodda daaddihinayey oo ah nin aad u da’yar ahaa, isla markaana aan khibrad u lahayn in uu dood u qabto ragga miisaanka leh ee meesha isugu yimid, ayuu mawduuciisa ku iftiimiyey magaca Samatar iyo ka wiilkaasi, isaga oo weliba hor mariyey magaca yarka.

Maxaa ka mid ahaa qoraalka Yusuf Garaad ee mawduucan? Halkan hoose fiiri

Laban nin oo aan saaxiib nahay ayaa isku dhacay oo Telefishinka hortiisa khilaaf ku dhex maray. Haddii aan adeegsado afka ciyaalka xaafadda, col ayay kala goosteen.

 

Waa Saaddiq Warfaa iyo Prof. Axmed Samatar. Waxay is qabteen, ka dib markii uu Saaddiq Warfaa oo daaddihinayay Doodda Fagaaraha uu damcay in uu joojiyo Prof. Samatar oo hadalku dhexda u marayo.

 

Dooddu waxay ka dhacaysay Mareykanka waxayna ku saabsanayd Aayaha Somaliland. Saaaxiibbo aan badneyn ayaa i weydiiyay sida aan u arko iyo labada midka khaladka leh.

 

 

 

 

Anigu labada midna lama hadal. Cid kale oo goobjoog ahaydna lama hadal. Waxa aan wax ka dhihi karaa waa keliya waxa ay isha Kaameradu ay i tustay. Oo dabcan lagu kabay khibraddeyda qabanqaabada iyo hagidda doodaha iyo weliba aqoonta aan u leeyahay labada nin ee is qabtay.

 

Sababta aan uga hadlayaa ma aha iyaga in aan barteyda ugu garnaq is leeyahay. Waa in aan hagidda doodaha iyo weliba ka qeyb qaadashadeeda aan wax uga bidhaamiyo weriyayaasha Soomaaliyeed kuwooda aan ku doobba dillaacsan iyo dadweynaha guud.

 

Waxaan tusaale u soo qaadanayaa dhacdadan oo dad badani ay saxaafadda bulshada ku hadal hayaan. Waxaan soo qaadi doonaa waxa aan arkay, sax iyo khalad waxa meesha ka dhacay sida aan u arko iyo waxa aan is leeyahay waa loo baahnaa in ay dhacaan.

 

Marka hore aan tilmaamo Saaddiq iyo Samatar iyo Fagaaraha inta aan ka aqaan.

 

Saaddiq Warfaa oo aan isku barannay Muqdisho, waa nin maskax furan oo dadaal weyn haya. Wuxuu isu xil saaray in uu qaban qaabiyo doodo laga sii daayo TV iyo Youtube. Doodayaasha waxaa mar kasta wehliya dadweyne goobjoog ah oo doodda uga qeyb qaata sacab, su’aalo iyo falcelis. Doodihiisuna waa kuwo macna sameynaya oo in badan oo naga mid ah u ifiya hadba mowduuca la gorfeynayo.

 

Aniga wuxuu hadda ka hor igu casuumay oo aan kala qeyb galay Fagaaraha 8aad oo Muqdisho lagu qabtay.

 

Howsha uu wado oo aan culeyskeeda qiyaasi karo darteed, waan ku dhiirri geliyay dadaalkiisa, waxaanna u sheegay in wixii uu gacan iiga baahdo xag aqoon iyo farsamo aan diyaar ula ahay.

 

Prof. Samatar, waa aqoon yahan bad ah. Codkar hadalyaqaana ah. Shaqo ka billaabay weriyennimo. Macallin iyo cilmi baare ah oo dooddiisu ay xubneysan tahay.

 

Barnaamijyo aad u tiro badan iyo wareysiyo ayaan wadayeelannay oo xataa mar isagu igu wareystay Bildhaan oo uu isagu Tifatire ka yahay.

 

Labadu waa niman is yaqaan, waxaana kuu muujinaya sida Samatar uu furitaanka hadalkiisa u ammaanay Saaddiq, oo uu ku tilmaamay ma-daale, arkaya sawirka weyn.

Sidii aan hore uga soo faallooday qaab qoraalka Yusuf, waxa uu ku billaabay sheeko xariir iyo subagayn badan oo uu la dul is taagay labada nin ee uu is bar bardhigayo, ee aan u qalmin in la is bar bar dhigo, ee uu weliba hor mariyey magaca wiilka da’da yar ee Saaddiq. Taasi oo aan aniga iyo akhristayaal kaleba u aragno in uu Yusuf Garaad ku kajamayo ama ku dheel dheelayo Prof. Samatar, inkasta oo uu sidii jiirka haddana afuufayo.

Sida ay wax u dheceen

 

Samatar oo shaashadda keligii taagan oo hadalkiisa bartamaha uga jira, hadalkana wuu ku raaxeystaaye ogow, ayaa Saaddiq soo garab istaagay, oo inta uu waraaq ka soo goostay buug meesha yiil, billaabay in uu qalin ku qoro xarfo afar igala badnaa igala badnaa. Markaas ayaan anigu wel wel billaabay.

 

Markii uu waraaqda hor dhigay, ayuu Samatar muujiyay in uu la yaabay, kana xanaaqay. Waxa waraaqda ku qoran isha Kameradu ma arag, waxaanse Samatar ka fahmay in ay ku qornayd STOP.

 

 

 

Samatar wuu aamusay oo aayar fariistay kursigiisa. In yar ka dibna wax buu soo gocday. Inta uu istaagay ayuu mikrofoon la’aan dadka ku wargeliyay in aanuu hadalkiisa dhammaysan. Laba nin ayaa halhaleel u soo istaagay. Saaddiq ayay si akhyaarnimo ah ugu khasbeen in uu u daayo in Professorku uu dhammeysto hadalkiisa.

 

Saaddiq wuu yeelay. Odayaashiina waxay Samatar ku soo celiyeen mikrofoonka.

 

Marka hore waraaqihiisa oo qaar dhulka ku dheceen ayuu soo urursaday, isu celceliyay oo si uu u simo salka miiska ugu dhuftay, asaga oo aad arkeyso in uu xaaladda qiyaasayo. Meeshii uu marayay ayuu goob goobay. Muuqaalka dhacayna ma ahayn mid qurxoon oo dabcan wuu saameeyay shucuurtiisa, sida aan qiyaasayana wuxuu kordhiyay garaaca wadnihiisa, oo isaguna kor u qaaday xawaaraha dhiiggiisu ku wareegayo xididdada.

 

Wuxuu hadalka ku billaabay, isaga oo Saaddiq ka hadlaya, “Dood culus ayuu noo abuurayaa, markaasaanuu garaneyn sida doodda loo maamulo”. “Ma ahan wax la aqbali karo” ayuu daba dhigay.

 

Axmed waxaa u soo baxday in sidii uu doonayay laga jiiray oo aanuu hadalka u sii wadi karin siiqadii iyo xalladdii looga bartay uguna ugu soo talo galay. Markaas ayuu cudur daartay oo wuxuu ku laabtay kursigiisii oo iska fariistay.

 

Dhowr jeer oo ay dadku su’aalo weydiiyeen, wuxuu ku gaabsaday in haddii uu dhammaysan lahaa dooddiisa, ay su’aalaha qaarkood jawaabtoodu ay halkaas ku jiri lahayd.

 

Mar dhexena wuu istaagay oo qolka ka baxay, isaga oo Saaddiq cod hoose ku yiri, wax aan u fahmay, “labadeenna wey noo kala dhammaatay”.

 

 

Garaad weli waxa uu wadaa sheeka xariirtii iyo dheel dheelkii, inta uu xad kasta ka gudbay ayuu xataa wax ka sheegay Prof. Ahmed Samatar iyo garaaca wadnihiisa iyo sida ay naxdintii warqadihii uga daateen Ahmed Samatar oo uu innoo sawiray.

Maxaa wanaagsanaa ee meesha ka dhacay?

 

Waa mar e, iyada oo doodaa miisaan leh uu meesha ka kacay, in haddana aan barnaamijku burburin ee uu halkiisii ka sii socday waxay ahayd wax aad u sarreeya.

 

Taas waxaan ammaanteeda siinayaa waa marka koowaade, Maxamed Ismaaciil oo ay isku jaal ahaayeen Samatar oo Somaliland gooni isu taaggeeda ay qiil u sameynayeen. Wuxuu awooday in uu ka istaago isaguna. Laakiin muu sameyn ee wuxuu u bareeray in uu keligii u babac dhigo Prof. Xuseen Warsame oo ah aqoon yahan, xog ogaal ah, wax bandanna af iyo qoraalba ka yiri Soomaaliya, iyo Geeldoon, oo aad mooddo in dood lagu anqariyay, uuna ku takhasusay, ma ahan keliya, sida dadka wax loogu sheego ee ku darsaday sida dadka xamaasad loogu kiciyo.

 

Waxaa kale oo aan ammanteeda siinayaa ka qeyb galayaasha, waa inta ii muuqataye, oo aan buuq abuurin ee si deggan barnaamijka uga qeyb qaatay.

 

Dadaalka ugu weyn ee suurta geliyay in Barnaamijku uu gebagebadiisa gaaro iyada oo aan waxa dhacay loo istaagin waxaa iska leh, Saaddiq Warfaa, oo aan filayo in isagana uu dhiiggu ku kacay, maaddaama dood oo marka horeba abaabulkeeda iyo hagiddeedu ay dhib badan yihiin haddana khilaaf aad loogu jeedo uu meesha ka dhacay.

 

Waxaan jecleystay markii la gaaray gunaanad, oo ay Samatar soo gaartay, in Saaddiq uu ku marti qaaday, laakiin Professorku uu diiday. Ka dib markii su’aal la weydiiyeyna, Saaddiq hore ugama socone, haddana Samatar ayuu si xushmad leh ugu marti qaaday in uu ka jawaabo. Sidii oo kale ayaa dhacday.

 

Saaddiq, dib ayuu u dhigtay caradiisa, Barnaamijkana sida ugu wanaagsan ee gunaanadkiisa lagu gaarsiin karay, ayuu ku gaarsiiyay. Taasi waxay khilaafkii dhacay ay u rogtay, mid hadal heyntiisu ay kor u qaaddo daawashada Barnaamijka iyo ka faalleyntiisa oo ay qormadani ka mid tahay.

Gunaanadkii iyo sida fiican ee ahayd in ay wax u dhacaan, ee ay Yusuf ula muuqatayna waxa ay noqotay….. gartaa uu qaaday, ugu danbayntiina waxa uu qoraalkiisii ku soo af jaray in uu Saaddiq ku sheego nin cadhadiisa dib u dhigtay, Ahmed Samatarna uu muujiyo in aanay ahayn in uu fagaaraha ka cadhoodo oo uu cidna dhageysan waayo.

Aniga iyo dad kale oo comment ka bixiyey qoraalka Garaad ee daarranaa dhacdadaasiba,  waxa ay la tahay in aanay goobtu dood ahayn ee ay ahayd meel lagaga aarsanayey Dr. Samatar, balse uu dib uga fiirsan doono dhallinyarada noocan Saaddiq oo kale ah ee doonaysa in ay sumcadda Prof. Ahmed Samatar wax u dhimaan.  Dooddiisana uu la tegi doono meelo u gaar ah, oo ay dad xirfaddeeda iyo aqoonteeda lihi ay maamulayaan.

Yusufna aniga oo salaamaya waxan leeyahay qoraalladaada aad baa dad badani u xiiseeyaan,  oo saxaafadda ayaad muddo dheer ku soo jirtaye dhammaystir oo dheelli tir kolba mawduuca aad ka hadlayso.

Ahmed Goth

shueebi@hotmail.com

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images