Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Madaxweyne Siilaanyo oo socdaal aan hore loo sii shaacin ugu baxay dalka Ethopia.

$
0
0

2015621635704710654630499DSC_0162Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta u anbaxay dalka Itoobiya halkaasi oo uu sheegay inuu kulamo kula yeelan doono madaxda dalkaasi.

 

Madaxweynaha oo inta aanu dhoofin la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in marka muddo la joogaba loo baahan yahay in la xoojiyo xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, si danaha labadda dhinac loo sii hagaajiyo.

 

“Waa dal uu xidhiidh wanaagsani naga dhexeeyo, waana waajib in marka muddo la joogaba si xog ogaalo looga wada hadlo danaha labadda dal, sidaaa daraadeed sidaas ayaanu ugu ambabaxay safarkan,  waxanan Ilaahay ka rajaynayaa inuu nagu guuleeyo” Sidaa waxa saxaafadda u sheegay madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayey safarkiisa uu ku tagayo Itoobiya

 

Dhinaca kale, waxa uu ka hadlay arrimaha khilaafka ee golaha Guurtida oo aan weli la xallin waxaanu sheegay in dastuurka iyo sharciga dalka u yaalla lagu kala bixi doonno.

 

“Dalku sharci buu leeyahay cid walliba waa inay ixtiraantaa shuruucda dalka taas ayaana lagu kala bixi karaa”ayuu yidhi mar uu ka hadlayey khilaafka Guurtidu ku qaaddaceen heshiishkii xisbiyadda iyo xukuumadda ka gaadheen muddo kordhintii loo sameeyey madaxweynaha iyo baarlamaanka.

 

Safarkan madaxweynuhu ku baxay ayaa ah mid aan hore loo sii sheegin, isla markaana si kadis ah ku baxayo. Haseyeeshe waxa maalmahan jiray dad reer Somaliland oo doonayey inay Itoobiya u baxaan ayaa ka cabanayey safaaradda Itoobiya ku leedahay Hargeysa oo muddo dhawr toddobaad ah aan u fiiseen Baasbaooradoodka Somaliland,  inkastoo safaaradda iyo wasaaradda Arrimha Dibadda Somaliland sheegeen inay kala go’ay istiikariskii lagu dhajin jiray Passporadda la fiiseeyo, taas oo ay sheegeen in ay xaliyeen.

 

Dalka Itoobiya ayaa Passpor-ka Somaliland u fiiseysa, iyadoo ka mid ah dalalka kooban ee ixtiraama Basspor-ka Somaliland, isla markana wax caqabad ah kala kulmin gudaha dalka Itoobiya.

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images