Boorama ( Awdalpress) Waxaan dhawaan soo dhax marey warbaahinta Bushada gaar ahaan Face Book kaasi oo ay ka socotey maalamahan ama dooda ugu weyni ahayd biyo yaraanta soo food saartey magaalada Boorama maalamahan, inkasata oo doodu xiiso badan ahayd hadana waxaan ka soo xushay qoraalada ay bartooda ku faafiyeen sadex qof kuwaasi oo kala ah Cumar Cali Cabdilaahi, Axmed Maxamed Caateyee iyo Haashim Sheekh Cumar labada danbe waxa ay qoraaladooda ku lifaaqeen sawiro muujinaya sida biyaha meelo kala duwan looga raadsanayo iyo qalabka ay dadku ku dhaansanayaan kuwaas oo qaar ka miad ah waa hore ugu danbaysay in biyo dhaansi loo isticmaalo
Cumar oo dooda bilaabay ayaa qorey sidan:
#Omar Cabdilaahi Doodda la xidhiidha sababaha biyo yaraantu waa dood u baahan inay socoto ilaa inta xal la helayo. Haddaba si loo yareeyo saamaynta arrintan maxaa habboon in la yeelo:
1. Biyaha dharka lagu maydho in loo isticmaalo biyo-raacinta suuliga
2. In haddii la heli karo suuliyadii hore ee godka iyo afku isku bannaanayeen la isticmaalo.
3. In si dadka kale aynu fursad u siinno aynaan kaydsan biyo ka badan baahideenna
4. In si ku meel gaadh ah loo yareeyo warreegga aan daruuriga ahayn looguna negaado goobaha qabaw si loo yareeyo dhididka maydhshadana loo dhimo
5. In waysada la xajisto
6. In kollayba jerikaanno la yeesho
7. In dadka aan awalba ku tiirsanayn biyaha qasabadda laga warhayo maadaama goobihii ay biyaha ka heli jireen loogu tegay
Isku soo dardara walaalayaal
Axmed Caateeye ayaa isna isaga oo muuqalo adeegsanaya yidhi:
Waa salaadii duhur,
Waa ramadaan
waa gabadh yar oo caruura.
Saacadaa waxa soo saaray waa biyo la’aan. dhib may lahaateen haday jirto meel ay u aroorayso reeraha oo dhan ayay marasaa bal inay hesho qoys ay biyo usoo dhaceen habeenadan.
Muuqaaladan hooska muuqdaa waa astaamaha dagdaga ah ee durba ina tusaya heerka biyo la’aantu gaadhsiisantahay. waa 
. booyad biyo oo halkii fuusto uu yahay 7500 shilling hadiiba aad hesho.
waa dameero aan umalaynayo in xaafada kale oo
magaalada ah laga soo dhaamiyay
Haashim Sheekh Cumar ayaa isaga oo adaeegsanaya muuqaalo isana waxa uu ku daray intaas:
Bisha Ramadaan iyo Biyo La’aanta ay ugu bilatay bulshada magaalada Borama…! Xaalada ceelasha biyaha magaaladu ka cabaysay oo laga dayrinayo in ay hoos u dhaceen biyihii ka dib roobkii gu’ga oo aan di’in sanadkan… Asxaabeey hala soo duceeyo in ilaah dhaankiisa u soo raro bulshada Abaarta iyo biyo la’aanta ku jira ee Awdal.. Nabad iyo caano …

Waxaa Isku Duba Riday:
Xasan Ciise





