Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Dhaqaatiirta ayaa waxay sheegayaan in surweelka Jiiniska ah la isu dhajiyo uu keenayo in uu waxyaalo weyn gaarsiiyo murqaha iyo dareenka.

$
0
0

Warside lagu qoro arrimaha caafimaadka ayaa lagu sheegay in Gabar 35 jir ah ay qasab noqotay in sarweelkii jiiniska ahaa ee ciriiriga ahaa laga gooyo ka dib markii shanshooyinkeedu ay barareen.

Saacado badan ayaa gabadhaasi kadaloobtay iyadoo armaajo guri ay ka guurayeen alaab ka gureysay.

Markii fiidkii la gaaray ayaa waxay aragtay faraheeda oo kabaabyooday oo aan dareen la hayn, waxaana dhib ku noqotay in ay socoto.

Dakhaatiirta ayaa waxay aaminsanyihiin in gabadhaasi ay ku dhacday xaalad caafimaad, waxaana sii xumeeyay jiiniskii ciriiriga ahaa oo ay gashaneyd.

Xaaladda caafimaadka ayaa aheyd mid xanuun badan oo ay xididada yar yar ee murqahuhu inta barareen uu dhiig ka yimid. Markaa ka dibna waxaa dhacday in gabadhii ay turaanturooto oo ay dhacdo oo ay kiciweydo. Marka ka dibna ay saacdo badan dhulka jiifto.

Baaritaal lagu sameeyay Isbitaalka ayaa lagu ogaaday in gabadhaa qaarkeeda danbe uu aad u bararay in kasta oo ay lagaheedu diiranaayeen haddana dhiig ku filan ayaa gaarayay, hase yeeshee muraqaheeda ayaa tabar dareeyay oo keenay in lugaheeda ay dareemi weydo.

Wareegii dhiigga ee qaarkeeda danbe markii uu caadi ku soo noqday, ayaa waxaa la arkay murqaheeda iyo dareemayaasheeda in waxyeelo gaartay. Afar maalmood markii ay isbitaalka ku jirtayna socod ayay bilowday iyada oo aan la caaweyn.

Dhaqaatiir meelo kala duwan jooga ayaa xaalad sidaas oo kale ah ku arkay bukaan ka dib markii ay gashteen saraawiil jiinis ah oo ciriiri ah. In kasta oo la sheegayo in xaaladaasi dadka ay ku dhici karto ay yar tahay haddana waa ay dhacday.

La wadaag qodobkan Faahfaahin


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles