Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Kooxo Muruqmaal ah oo isku gadaamay buurta Siimoodi ee macdanta qaaliga ah laga helay. Si ay u qotaan godad ay hore macdanta uga qodan jireen.

$
0
0

Breaking_NewsAwdalpress – Baki – Illaa iyo dabayaaqadii usbuucii hore waxa degaanka gubanka si xoog leh uga socday abaabul kooxo muruqmaal ah oo yoolkoodu ahaa buurta Siimoodi. Sida wararku ku soo gaadhayaan shabakadda awdalpress.com, waxa degaannada bariga Awdal aad uga socda is urursiga kooxo aad isku hubayna, kuwaasi oo ka fal celinaya dhawaqii ay dhawaan odayada  degaanka Siimoodi ay ku iclaamiyeen in aanay sii eegan doonin in lagu dul qodo macdan aan la hubin dhibta uga imanaysa dadka iyo degaanka. Sidaasi daraaddeedna intii ay sun ku madhan lahaayeen ay dagaal ka xigaan.

Warar xog ogaal ah oo jiidda buurta Siimoodi naga soo gaadhayaana waxa ay sheegayaan, koox muruqmaal ah oo aad u tiro badan oo xoogani in ay ku sii qul qulayaan degaanka Siimoodi. Maalintii Khamiistii horena ay rasaas is weydaarsadeen ciidammada ilaalada u ah shirkadda rabta in ay macdanta qotaan buurahaasi. ciidamda Somaliland ayaa moodayay ciidamo duulaan ku ah Buurta.

Dhawaan ayey ahayd markii uu wasirka xidhiidhka golayaasha Somaliland iyo xildhibaanno ay isku hayb yihiin ay socdaal ku tegeen degaankaasi, iyaga oo si beel hoose ah ula kulmay odayo ka mid ah degaankaasi. Halka ay beelaha kalena ku qanciyeen in ay u yimaaddeen raalligelinta dadkii dhawaan lagu loo xidhay qodista macdantaa oo ay diideen.

Sidoo kale wasiirka golayaasha iyo wafdiga uu hoggaaminayey ayaa odayadaa u ballan qaaday in ay dhaqaale inta ay doonayaan iyo mashaariic degaaka lagu horumarinayaba uu isagu u hayo, laakiin looga fadhiyo in ay dadka degaaku oggolaadaan qodista macdanta qaaliga ah ee buurta Siimoodi. Ayaamo kadibna waxa magaalda Baki guri ku yaal laga helay hub nooc walba leh, oo dadka degaanku iska lahaa. Balse lagu sheegay rasaas duug ah, oo ay dawladda Somaliland ogeyd.

Dhinaca dawladda Somaliland ayaan illaa immiga wax hadal ah ka odhan dhacdooyinkan ammaan darro ee degaankaasi Siimoodi iska soo taraya. Balse dad la xidhiidhay odayada iyo madaxda degmooyinka Dilla iyo Baki ayaa noo sheegay in ay la socdaan shaqaaqada buurta Siimoodi, waxana ay hoosta ka xarriiqeen in ay arrintaa sida ugu dhakhso badan ugala hadli doonaan Madaxda sar sare ee Somaliland. Laakiin aanay sii eegan doonin in hawl caafimaadka dadka iyo degaanka u xumi ka bilaabanto buurtaasi Siimoodi.

Si kastaba arrini ha u dhacdee, waxa laga cabsi qabaa in haddii uu dagaal ka bilowdo buuraha gubanka ay adkaan doonto sida degaankaasi nabadgelyadiisu ku danbayn doonto.

Wixii war ah ee ka soo kordha dib ayaan idingala soo socodsiin doonnaa.

Isha ku hay Awdalpress.com

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles