Taariikh Nololeed Marxuum Maxamuud Axmed Barre oo lagu Naanaysi jiray (Garaad)
Waxaan uu ku dhashay magaalada Boorama sanadkii 1938.
Heerarkii Wax-Barasho
1950-1953wuxuu dhamaystay Dugsiga Hoose Ee Boorama Kana Gudbay Imtixaamadii dugsiyada(entrance examination )
1957-1958 Hal sano oo wax-barashada waaweyn (Adult education) ku dhamaystay dugsiga dhexe ee sheikh ,kana gudbay heerka fasalka 7aad ee luqada ingriisiga iyo 6 aad ee xisaabta ,kuwaasi oo si fiican u gudbay.
1964-1965 hal sano oo waxbarasho ee machadkii barashada cudurada xoolaha ee Hargeysa (vetenary institute Hargeysa)
1969-1971 labo sano oo waxbarashada caafimaadka xoolaha kana qaaday dugsigaasii tababarka kal-kaaliyaasha caafimaadka xoolaha ee Muqdisho Shahaadada (Diploma )
1975-1977 labo sano oo waxbarasho dibadeeda ah ee dalka kiinya,kuliyadda Egerton Collage ,kana bartay culuumta daaqa (Range science)
1-6-1981 tababaro kale duwan oo la xidhiidhay caafimaadka xoolaha iyo daaqa oo uu shaqadda ku dhex qaatay darted iyo waxbarashadii kale duwanaydba waxaa lo aqoonsaday laguna qiimeeyey F /laad (Farsamo-yaqaanka Koowaad ) .
(Darajada 1 ee la xidhiidha aqoonta macluumaadka caafimaadka xoolaha iyo sayniska daaqa)
Khibradiii Iyo Waayo –Aragnimadii Shaqo
- 1955 ka shaqo galay waaxda khayraadka dabiiciga ah
- 1958 ka shaqo galay waaxdii caafimaadka xoolaha isla markaasina noqday kormeere caafimaadka xoolaha ,ka dibna markii uu qaatay tababaro is dajooga oo ku saabsan xoolaha ,hargaha iyo saamaha
- Ka dibna u dalacay kal-kaaliye caafimaadka xoolaha
- 1959 wuxuu noqday kormeere caafimaad xoolaha ee dekada berbera
- 1960 kormeere caafimaadka xoolaha ah ee degmada Boorama
- 1962 waxaa dulsaar looga dhigay dowlada hoose ee boorama
- 1966 wuxuu kormeere caafimaadka xoolaha noqday degmada berbera
- 1967 kal-kaaliye caafimaadka xoolaha ah ka noqday degmada maydh
- 1967 -1969 wuxuu madax ka noqday ha’yadii hormarinta xoolaha ,xafiiskeedii burco (L.D.A)
- 1969 kal-kaaliyaha caafimaadka xoolaha ee degmada Boorama
- 1972-1974 kal-kaaliyaha caafimaadka xoolaha ee degmada Qardho iyo isuduwaha wasaarada xanaanada xoolaha ee Gobolka Bari
- 1974-1975 xidhiidhiyaha mashruucyada daaqa ee gobolaada Mudug,gal-guduud iyo ee ay maalisay UNDP
- 1977-1988 maamulda ka dugsiyada sare ee daaqa –BURCO
- 1985-88 Madax mashruuca kuwayd fund ee hormarinta daaqa kalana ahaa goboalda togdheer ,sanaag.sool .nugaal iyo bari (North range land development project
- 1988-1991 hawl-wadeen ka ahaa xarunta wakaalada daaqa qaranka ee Muqdisho
Ka dib markii ay dagaalad sokeeyey ka bilowdeen Burco iyo Hargeysa .
Waayo Aragnimadii Siyaasadeed ,Xogaha Iyo Aqoonta Uu Lahaa
- 1962 wuxuu ka mid noqday aqoonyahano isku taxlujiyey sidii loo gaadhi lahaa isbedalo dhinac siyaasada a guud ahaanba .gaar ahaana sidii deeganada boorama iyo saylac loogu dooran lahaa dad aqoon eh oo dhalinyaro ah
- 20 april 1962 wuxuu ka mid ahaa aqoonyahano iyo wax garadkii abaabulay .diyaariyeyna barnaamijka dheer oo dacwad ah lagagana hadlayye dhibaatooyinka arimaha bulshada boorama iyo saylac ee dhinacyada dhaqaalaha ,siyaasada ,arimaha buslahda iyo nabad galayada loona gudbiyey R/wasaarihii Somaliya ee Wakhtigaasi Cabdirashiid cali sharmaake
- arimaha maalintaasi laga Hadley waxay yihiin kuwo taagan manta .qoraalkaasina waxaa uu ka turjumayey isla baahida manta una ekaanaya sidii wax hada la diyaariyey oo kale
- 1963 novermber Marxuum Garaad wuxuu ku guulaystay in uu ka mid noqdo xubihii loo doortay deegaanka degmada boorama ka dibna wuxuu u tartamay gudoomiyaa degmadka Boorama halkaasi oo uu Hal cod kaga guulaystay cabdilaahi Ibrahim gaboobe .taasina waxay u horseeday in uu iska dhiigo istiqaalada golaha deegaanka Boorama dibna ugu noqdo shaqadiisii
- 1969 wuxuu noqday gudoomiyaha gudida doorashooyinka ee goobta Abokor cadaawe
- 1991 wuxuu ka mid noqday xubnihii oo doortay beesha u noqdaan kana koobnaa 21 xubnood iyada loo doortay gudoomiyaha ku xigeenka koowaad ee golaha guurtida .
- 9/11/1991 waxa uu noqday Gudoomiyaha gobolka Awdal ilaa 29/9/1992.
- 1993 January -25 may isagoo ahaa gudoomiyihii guurtida beesha (ku sime ) wuxuu si laxaad leh oo fir-fircoon ku jirto uga qayb –qaatay ababulkii ,socodsiintii .qabsoomid iyo in natijo ka soo baxdo shirweynihii labaad ee guurtiyada beelaha Somaliland kuna qabsoomay Borama 24 January 1993-may 25 may 1993
- June 1993-2005 wuxuu ka mid ahaa xubin golaha wakiilada ah wuxuuna ahaa mudane ku dadaala hormarinta dhinacyada kala duwan ee bulshada .
- 16/4/2006 :13/2/2012 waxaa uu ka mid yahay golaha guurtidada isaga oo ka mid ahaa xubin sharafyadda uu soo magaacbay madaxweynuhu kuna mutaystay dadaalkka iyo kaalinta hormarineed ee uu ka gasystay taabo galinta iyo meelmarinta qarankani jamhuuriyada somalliland
- Muddane maxamuud axmed bare waxaa uu ka mid ahaa dadka faro ku tiriska ah ee xogaha iyo macluumadka ay ku kaydsan yihiin lehna khibrad iyo waayo aragnimo cun dheer oo laga faaidaysan karro sida ku cad warqadaha uu qoray july 30 1997 (Dr Kenneth menkhaus,consultant political science department Davidson collage ) 13 march 1998 (dr Judith A.kinnavd consultant geologist of cheomelalaic Uk)marleen render research fellow university of chent ) waxay dhamaantood si cad u qeexayaan una bayaaminayaa in maxamuud ahmed barre Garaad uu ahaa shakhsi aqoon ,waayo aragnimo iyo macluumaad laga faaidaysn karo (resource person and well informed ) caddeymahaasi oo ay qoreen aqoonyhano cilmi baadhis ku imiday Gobolka Awdal .
- MAXAMUUD AHMED BARRE waxaa kale oo uu kaydiyey macluumaadkii ka baxay BBC jully 1997 upto jully 2001 kaasi oo ku kaydiyey cajalad .
- Dhinaca dhaqanka Marxuum garaad waxaa uu Aqoon iyo xirfad u lahaa ciyaar sayliciga iyo xeegada
- Marxuum garaad Waxaa uu xaas yeeshay 1945 waxaanu ifka kaga tagay sadex wiil oo xaasas leh .
- Marxuum Garaad Waxaa uu ahaa shakhsiyad leh karti macluumaad ururineed
- Waxaa uu qoray Buug ka hadlay taariikh nololeedkii xaaji jaamac muxumed ugaas cilmi warfaa oo lagu soo daabacay dalka malaysiya
- 29/3/2011 waxay ardayda jaamacadaha Hargeysa iyo Gabiley ay gudoonsiiyeen shahaado sharaf dadaalkii uu ka galay nabadeynta xiisadii ceel bardaale laguna soo afjaray muran iyo colaad soo jiitan tay
ILaahay ha u naxariisto marxuum Maxamuud Axmed bare
awdalpress