Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

BOGAADIN DEEGAANKA SAYLAC IYO BAAQ KU SOCDA XUKUUMADDA

$
0
0

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Golaha Deegaanka ee Degmada Saylac, waa wax aad loogu farxo waanan ku hambalyaynayaa isu soo noqoshada ay isu soonoqdeen garteenna in ay gutaan waajibaadka ay u hayaan shacabka soo doortay ee degmada Saylac.

Waxaan si gaar ah u hambalyaynaaa Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ee Degmada Saylac, Md.Xuseen Iidleh Barkhadleh, dedaalkii badnaa ee uu ugalay sidii ay isuqancin lahaayeen gole ahaan isuguna iman lahaayeen si-ay-wada-jir ugu adeegaan deegaankooda.

Sidoo kale waxan hambalyaynayaa cidkasta oo qayb ka qaadatay isu soo dhowaanshaha golaha deegaanka ee Saylac, waxaa lagama maarmaan ah in wadajir waxlagu qabsado , waayo waxkala-jiidashadu way khasaare badan tahay wax faa’iido ahna ma keento.

Xukuumadda Maanta haysa talada dalka ee uu hoggaaminayo Mudane Siilaanyo, waxan ugu baaqayaa in ay gaadhsiiso Deegaanka Saylac iyo Lughayaba kaalmada looga baahanyahay oo ay ugu horreyso biyaha iyo jidadku.  Waxaan ognahay in ay jiraan mucaawanooyin la inagu siiyey horumarinta biyaha iyo jidadka, waxaan ognahay abaaraha daba dheeraaday ee kusoo noqnoqnaya deegaanadaa xeebta, waxa qudha ee lagaga bixi karaana waa in la gaadhsiiyo mucaawanada ay xaqa u leeyihiin, iyo in la horumariyo adeegyada dhinaca biyaha iyo jidadka.

Shacabka Somaaliland gaar ahaan inta danaynaysa deegaanada Saylac waxaan xasuusinayaa in ay niyadda ku hayaan baaqii uu DUQA Saylac, Md. Xuseen Iidle ugu baaqay maalintii loo doortay guddoomiyaha oo ahaa in uu soo dhowaynayo ciddii diyaar u ah horumarinta Saylac, isagoo ballan qaaday in lagu taageeri doono ciddii danaynaysa Maalgashiga deeganka Degmada Saylac.

Waxaan ilaahay ka rajaynayaa in uu inoo adkeeyo nabadda iyo wadajirka shacabka.

Allaa Mahadleh

 

C/Rashid Xasan Mataan

Musharaxa M/Weyne Xigeenka – Xisbiga UCID


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles