Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Xisbiga dimuqraadiga Soomaalida Ethoipia oo dib u doortay dawladii M/wayne Cabdi Maxamud Cumar

$
0
0

Breaking_NewsJigjiga(Awdalpress) 01 July 2015, waxaa maalinkii labaad galay shirkii gudiga fulinta iyo golaha dhexe ee xisbiga dimuqraadiga Shacbiga Soomalida Itoobiya (XDSHSI) oo kasocda madasha shirarka Qaryaan Dhoodaan ee xarunta Jigjiga.

Iyadoo ay maalintii shalay gudiga fulinta ee xisbigu yeesheen shir ay ku lafa gureen wax qabadkii xisbiga ee shantii sano islamarkaana la isla meel dhigay jihooyinka qorshayaasha shanta sano ee soo socota ayaa maanta si balaadhan xisbigu isugu yimid shirka ay oo ay ku dhamaayeen xubnaha 51 ah ee golaha dhexe iyo 13-ka xubnood ee gudiga dabagalka.

Hadaba shirka maanta ee golaha dhexe oo ay goob joog ku ahaayeen gudiga dabagalku ayaa lasoo bandhigay guriga warbixintii wax qabadka ee xisbiga iyo xukuumada iyo waxaana markii ladhagaystay kadib laga hadlay nidaamkii hogaamineed ee shantii sano ee lasoo dhaafay iyo dhaliilihii ama dhinacyadii adkaa ee jiray. Sidoo kale waxaa jihooyin iyo talooyinba laga bixiyay shanta sano ee soo socota.

Shirka ayuu goluhu kusoo saaray go’aamo ay kamid yihiin dhismaha xukuumada shanta sano ee soo socota hogaaminta iyo cabinetkaba, sidoo kale waxaa lagu go’aamiyay sagootinta barlamankii hore islamarkaana xaflad loo qaban doono taasoo lagu gudoon siin doono shahaado sharaf, iyo xaqii ay lahaaen iyo xubno geeriyooday oo si gaar ah loo xusi doono.

Hadaba sidii ay shabkada wararka ee CakaaraNews horey u sheegtay waxaa shirkii maanta ee golaha awooda badan ee xisbigu ku go’aamiyeen hogaaminta iyo cabinetka xukuumada shanta sano ee soo socota wuxuuna goluhu cod buuxa ku ansixiyay dhismahan xukuumada oo ay kamid yihiin:-

1- Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar.
2- Afhayeenka Baarlamanka DDSI mudane Maxamed Rashiid Isaaq.
3- Hanti Dhowrka Guud ee DDSI mudane Aadan Kuusow.
4- Kuxigeenka madaxwaynaha DDSI ahna wasiirka Wasaarada Waxbarshada DDSI mudane Mowliid Haayir Xassan.
5- Kuxigeenka madaxwaynaha DDSI ahna wasiirka wasaarada horumarinta magaalooyinka iyo Dhismaha Warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar.
6- Kuxigeenka madaxwaynaha DDSI ahna wasiirka wasaarada Beeraha, Xoolaha iyo Horumarinta reer guuraaga DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax.
7-Madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Cabdicaziiz Maxamed Cabdi.
8- Wasiirka wasaarada Ganacsiga iyo Gaadiidka DDSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil.
9- Wasiirka Xeer Ilaalinta Guud DDSI mudane Cabdijamaal Axmed Qaloonbi.
10- Wasiirka Adeega Shacabka DDSI marwo Majida Maxamed Maxamuud.
11- Wasiirka Dakhliga DDSI mudane Axmed Maxamed Shugri.
12- Wasiirka Kahortaga iyo U Diyaargarowga Masiibooyinka DDSI Maxamed Daahir Ismaaciil.
13- Hogaanka Nabadgaliyada DDSI mudane Yaasiin Cabdi Waris.
14- Wasiirka Arimaha Haweenka, Dhalinyarada Iyo Caruurta DDSI marwo Raxma Sul. Maxamuud Haybe.
15- Wasiirka Horumarinta Khayraadka Biyaha DDSI marwo Fartuun Cabdi Mahdi.
16- Madaxa Arimaha Siyaasada ee xarunta Dhexe Mudane Cumar Maxamuud Cabdi.
17- Wasiirka Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed.
18- Wasiirka xidhiidhka Arr. Dawlada, Dhaqanka iyo dalxiiska DDSI mudane Eng. Idris Ismaaciil Cabdi.
19- Wasiirka Xafiiska Tababarada, xirfadaha iyo Farsamada (TVET) muadane Naasir Axmed.

20- Wasiirka Arimaha Bulshada DDSI mudane Axmed Maxamed Kooreeye.

21.Wasiirka Waraabka iyo Horumarinta Dooxooyinka DDSI mudane Suldaan Khayre

Xubnaha kale wax yar kadib ayaan idiin soo gudbin doonaa.

Shirarkan maalintii labaad galay ee xisbiga ayaa noqonaya kuwo uu xisbiga talada haya DDSI (ESPDP) oo dhawaan si buuxda ugu guulaystay doorashadaii 5aad uu haatan u guntaday shanta sano ee soo socota.
Source: Cakaaranews


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles