Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Xarumo iyo Guryo Handi Guud ah oo Boorama Lagu Iibinayo

$
0
0

images War- Deg deg ah

Boorama (Awdalpress)  Warar naga soo gaadhay ilo xogagaal ah oo ka tirsan golaha deegaanka ee degmada Boorama ayaa sheegaya in ay dawalada S/land Xaraashayso oo ay suuqa soo dhigtey xarumo waaweyn iyo dhulal kale oo hanti guud ah.

Warku waxa uu sheegay in meelahaas la iibinayo ay ka mid yihiin: Xarunta Maamulka Gobolka Awdal, Xaruntka Ciidanka Birmadka, Guriga Martida ee uu hada degan yahay gudoomiyaha gobolka Awdal iyo Xarunta Warshada Laydhka ee Boorama power Station.

Tana u danbaysa waxaa ay ahaan jirtey xarunta warashada korontafa dhalisa ee magaalada Boorama waxen iska leh dawlada, laakiin waxaa sanado ka hor lagu wareejiyey shirkad Laydh oo gaar loo leeyahay waxaan la sheegay in laga kireeyey laakiin aan hada wax weyn laga qaadin.

Waxa uu warku intaas ku darey in wafdi ka socda wasaarada hawlaha  Guud iyo gudiga Qandaraasayada Qaranka ay maanta Boorama u yimaadeen sidii ay suuqa meelahas u soo dhigi lahayeen waxaana la sheegay in ay meelahaas wafdiga iyo ganacsato danaynaysa in ay meelahaas iibsadaan ay soo wada kormeereen. Waxaa sidoo kale dhici karta in ay jiraan meelo kale oo iib u yaal ah oo aan wali suuqa si rasmi ah loo soo galin.

Awdalpress Desk News Boorama


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles