Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

FAALLADA SHABAKADDA: Deegaanka Soomaalida Ethoipia oo horumar ka sameeyay dhanka hannaanka is maamulka.

$
0
0

Deegaanka Soomaalida Ethoipia oo horumar ka sameeyay dhanka hannaanka is maamulka.

Ethopia

Sannadkii 1991kii ayaa ahayd markii ugu horreysey ee dalka Ethoipia uu ka hana qaaday hannaanka is-maamulka-qowmiyahadaha dalkaasi (Federalism ). Waxana uu nidaamkaasi noqday mid ay shucuubta dalkaasi mahadiyeen .  Nidaamkaasi oo ku yimid halgan dheer oo la isaga tuuray xukunkii dictatorkii Mingiste iyo maamulkiisii loo yaqiinnay Dergiga, oo ahaa mid si naxariis darro ah ula dhaqmi jiray Shucuubta iyo qowmiyahadaha dalkaasi, dad badanna u geystay xasuuq. Ayaa waxa halgan hubaysan oo dhiig badani ku daatay kala hor yimid ururkii EPRDF.
Haddaba shabakadda awdalpress.com oo in badan kaga faallootay bogaggeeda maalinlaha ah arrimaha ku saabsan, horumarka xawliga ku socda ee degaanna Is-maamulka Ethopia, ayaan maantana hoos ugu degeynaa guulaha uu hannaanka is-maamulka ee fedraalka dalkaasi Ethoipia uu u horseeday, gaar ahaan Is-maamulka Somalida ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.

 

Sida muuqatana waxa dadka siyaasadaha Ethopia u dhabba galaa ay ku tilmaamaan in nidaamka Federalism ku yahay mid qowmiyadihii iyo shucuubtii dalkaasi ku noolaa siiya xuquuqdooda aasaasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada kale ee aasaasiga ahba.

 

Dhinaca kale waxa uu nidaamkaa Federalism-ku u suurto geliyey shucuubta Ethopia ee kala dhaqanka iyo afka ah, in ay qowmiyad walliba sidii ay u xoojin lahayd ama ay boodhka uga tumi lahayd xaddaaraddii, taariikhdii iyo dhaqankii ay qolo walliba goonida u lahayd. Xilligan aan ku jirrana sida uu Is-maamulka Somalidu markhaatiga innooga yahay, waxa heer sare maraya aqoontii da’yarta, oo keentay in ay cilmiyeeyaan hab nololeedka bulshada degaanka Somalida. Taasina waa faa’iidooyinka ay durba ka dhaxleen nidaamka fedraalka ee ku salaysnaa dastuurka cusub ee loo sameeyay Ethiopia-da cusub ee fedraalka ah.

Tusaale ahaan haddii aan soo qaadadanno dastuurka Ethopia qodobkiisa 52aad ee awoodaha iyo shaqo fulinta dawladdu, waa sidan:

 

 

Article 52 Powers and Functions of States
(1) All powers not given expressly to the Federal Government alone, or concurrently to the
Federal Government and the States are reserved to the States.
(2) Consistent with sub-article 1 of this article, States shall have the following powers and
functions:
a) To establish a State administration that best advances self-government, a democratic order
based on the rule of law; to protect and defend the Federal Constitution;
b) To enact and execute the state constitution and other laws;
c) To formulate and execute economic, social and development policies, strategies and plans of
the State;
d) To administer land and other natural resources in accordance with Federal laws;
e) To levy and collect taxes and duties on revenue sources reserved to the States and to draw up
and administer the State budget;
f) To enact and enforce laws on the State civil service and their condition of work; in the
implementation of this responsibility it shall ensure that educational; training and experience
requirements for any job, title or position approximate national standards;
g) To establish and administer a state police force, and to maintain public order and peace within
the State;
Innaga oo haddaba ka duulayna dastuurka Federalka Ethopia oo aan tusaalahaasi ka soo qaadannay, isla markaana si cad looga soo shaqeeyey dhidibbadana u taagay in la hirgeliyo is-maamulka qawmiyadaha Ethopia,  ayaan misna la dafiri karin in ay jiraan hawlo weli qabya ah. Balse inta badan la dhihi karo waxa aad isku beddelay qaabka maamul ee horumarka u keenay qowmiyadda Soomaalida oo ka mid ah qowmiyadaha wadankaasi Ethoipia.

Iyada oo haddaba  weli qalbiga shucuubta Somalida ay ku dhigan tahay rafaadkii la soo maray, oo aanay marnaba illaabi karin taariikhdii madoobayd ee ay dadka Somaliyeed iyo qoomiyadaha la mid ka ahiba soo mareen. Hadday noqon lahayd cadaadisyadii xumaa ee nidaamka boqortooyada ku salaysnaa iyo xukunkii Dergiga oo isagu uguba darraa.

Nidaamkan Federalism ka ee qawmiyadda Somalidu ay xilligan ku naalloonayaan,  marka la barbardhigo qowmiyadaha kale ee Ethopia. Waxa ay Somalidu ahaayeen qowmiyad aan hore ula jaan qaadin nidaamka is maamulka fedraalka, muddooyinkii horena waxa ay ku jirteen kacaa kuf iyo socod gaabis ah, oo ay aad uga danbeeyeen qooyimadaha kale, waxaana inta badan wakhtiyadaa hore ragaadiyey aqoonta shacabka oo liidatay iyo xanuunka qabyaaladda oo Soomaalida Ethopia fara baas ku haysey, aadna u kala qaybisay. Iyada oo ay sidaasi tahay haddana waxa ay mar kastaba caqabadaha hortaagnaa kaga baxayeen gacanqabad ay ka helayeen dawladda sare ee fedraalka Ethoipia oo uu hoggaaminayey halyeygii Melisa Zenawi.
Deegaanka DDSI ayaa xilligan si xawliya ula talaabsatay dalka intiisa kale, gaar ahaan shantii sano ee inna soo dhaaftay, xiligaas oo la odhan karo waxa ay ku soo gaadheen orod iyo gucle. Sababtuna ay tahay iyaga oo helay fursad ay ku buuxiyeen wakhtigii ka lumay.

 

Waxa xusid mudan in kaalintaas uu qayb libaax ka qaatay xisbiga XDSHSI oo isagu shan doorasho ka qaybgalay, doorashadii sannadkanina ay ahayd tii ugu dambaysay oo ay guusha ka soo hooyeen. Hoggaaminta suubban ee xisbigaasi ayaana la odhan karaa waa midka ay kaga gudbeen qowmiyada Soomaalidu qabyaaladdii ragaadisay iyo kooxaysigii ee ay uga diga rogteen habka fikirka xisbinimo iyo afkaar wadaag ah.
Waxyaabaha la taaban karo ee shantaa sano xisbigu hirgeliyay waxa ka mid ah taabbagalka ballamihii uu qaaday shantaa sano, taas oo xisbigu ku mutaystay kalsoonida iyo aaminaadda shacabka DDSI, aakhirkiina uu guul ka soo hooyay doorashadii ka dhacday deegaanka DDSI.
Sidoo kale xisbiga XDSHSI markii uu hantay guushii doorasho ee ka dhacday deegaanka wuxuu iskugu yimid kulan balaadhan oo ay ka soo qayb galeen gudiga fulinta iyo golaha dhexe ee xisbigu, hadaba shirkaasi go’aamada ka soo baxay waxay ahaayeen qaar aan hore loo arag, isla markaana taariikhda deegaanka bilaw u ah, maxaa wacay Isaga oo ka duulaya awoodaha article ka 52 ee dastuurka fedraalka ee madaxbanaanshaha kililada dalka Ethoipia isla markaana adeegsanaya qodobkaasi waxay xaqiijiyeen inay is maamulaan, wakhtiyada hore DDSI aqoonteedu ma gaadhsiisnayn heerka ay wakhtigan gaadhay.
Si kastaba ha ahaatee xisbigu markii uu is qiimeeyay hawlihiisa shaqo wixii fulay iyo waxa aan fulin, isla markaana isku qanciyay baaxadda hawlaha horyaalla iyo ballamaha uu shacabka u qaaday shanta sano ee soo socota,  wuxuu go’aansaday in hoggaanka haya talada DDSI ee uu hormoodka ka yahay Cabdi Maxamud Cumar dib loogu doorto hoggaaminta DDSI. Markii ay eegeen waxqabadka uu ku tallaabsaday muddada uu xilka hayay ee la xidhiidha ammaanka siiba dhismaha ciidanka nabadgelyada ee liyuu Booliska, dhismaha kaabayaasha aasaasiga ah ee bulshada sida biyaha, waxbarashada, caafimaadka, beeraha iyo xoolaha, dhismaha jidadka iyo isku xidhka Wadooyinka gobolada deegaanka.
Innaga oo aan qoraal hal qormo ah ku soo koobi karin waxqabadka degaanka ka hirgay, waxa aan gabagabadii odhan karra, waxa baal dahab ah taariikhda DDSI  ka galaya shirkii xisbiga XDSHSI ee lagu qabtay Fiiq iyo shirkan xisbigu dib ugu doortay shantaa sano ee soo socota mar kale ee la guddoonsaday in hogaaminta Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar sii hoggaamiyo xukuumadda is-maamulka Somalida Ethopia, taas oo madaxwaynaha laga sugayo hirgelinta ballamaha xisbiga iyo dhamaystirka mashaariicdii horumarineed ee xukuumaddiisu gacanta ku haysay, Ififaalaha muuqda ayaa haddaba ah guul ay gaadheen XDSHSI iyo xisbiga bah wadaaga yihiin ee EPRDF, waxaana loo baahan yahay in guulahaasi kuwa cadawga ku ah loo yeesho foojignaan dheeraad ah.

Hashim Sh Cumar Good

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles