Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Madaxweynaha Koonfur Afrika Oo Ka Hadlay Dilalka Iyo Dhibaatooyinka Loo Geysto Ajaanibka Dalkiisa Ku Nool

$
0
0

meydadAwdalpress(W.Wararka) 23 Jun, 13–Madaxweynaha Koofurta Afrika, Jacob Zuma ayaa ka hadlay dilalka dalkiisa loogu geysto dadka ajaanibka ah ee ku nool dalkaasi oo ay ka mid yihiin Soomaalidu, waxaanu sheegay in weerarrada lala beegsado dadkaas ay xal u raadinayaan. Jacob Zuma ayaa sidaasi ka sheegay Baarlamaanka dalkiisa oo uu hor tagay, su’aalana laga waydiiyey arrintaasi.. “Ajaanibta ku nool Koonfur Afrika dhammaantood si isku mid ah ayaa loola dhaqmaa, Soomaalidana waxba kagama duwana, ilamana aha inay la kulmaan dilal iyo dhibatooyin kale, balse waxaan qirayaa inay jiraan weeraro mararka qaar ay la kulmaan, kuwaasina xal ayaa loo heli doonaa,” ayuu yidhi madaxweyna Koonfur Afrika. Sidoo kale, Zuma oo su’aalo dhowr ah laga weydiiyay dhibaatooyinka lagu hayo dadka ajaanibta ah ee dalkiisa ku nool ayaa xusay in hadalka sida loo dhigayo aanu ahayn, iyaguna ay dedaal u galayaan sidii dhibaatooyinka jira loo xallin lahaa. “Ma aha mid la qarin karo in weerarro ay ka dhacaan gobollada ay dadka aan dalkan u dhalan ku nool yihiin, balse taas xal ayaan u raadinaynaa, waa in la joojiyaana ka bad-badinta arrintan,” ayuu Zuma kaga jawaabay su’aal ay u soo jeediyeen mudanayaasha qaarkood oo ahayd in dadka ajaanibta ah si xun loogu dilo dalkaas laguna boobo hantidooda.Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa bishan oo keliya lagu dilay in ka badan lix qof oo Soomaali ah, kuwaas oo mid ka mid ah dhagax lagu dilay, iyadoo tani ay keentay in dowladda Soomaaliya ay ka dalbato xukuumadda South Africa inay wax ka qabato dhibaatooyinkaas. Hadalka madaxweynaha Koonfurta Afrika ayaa walaac hor leh ku beeraya dadka Soomaalida ah iyo ajaanibta kale ee dalkaas ku nool, kuwaas oo hore ula kulmay dhibaatooyin kala duwan oo ay kula kaceen dadka dalkaas u dhashay iyo weliba kooxo budhcad ah.

Source: W.Wararka


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images