Awdalpress – Muqdisho – Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay cod u qaadeen xubanaha guddiga madax bannaan ee doorashooyinka Qaranka, waxaana xubnahan loo qaaday qaab cod Qarsoodi ah iyadoona ugu dambeyn ay Baarlamaanka meel mariyeen guddigaasi.
Kulanka Baralamaanka ayaa maanta ajndihiisu ahaa in ay codka kalsoonida u qaadaan guddiga madax banaan ee doorashooyinka Qaranka , waxaana kulanka xaadir ku ahaa 187-Xildhibaan kuwaa ookalsoonida siiyay Guddigaasi.
Halkan ka Aqriso sida ay codadka u kala heleen 9-ka Xubnood ee Guddigan
1.Siciid Xaashi Warsame, wuxuu heley 124 cod
2. Maxamed Xasan Thaani, wuxuu heley 120 cod
3. Xuseen Cabdi Aaden, wuxuu heley 119 cod
4. Sayid Cali Sheekh Maxamed, wuxuu heley 129 cod
5. Maxamed Axmed Nuur, wuxuu heley 117 cod
6. C/rixmaan Cismaan Dirir, wuxuu heley 128 cod
7. Maxamed Daahir Maxamuud, wuxuu heley 127 cod
8. Xaliimo Ismaaciil Ibraahim, waxaa ay heshay 102 cod
9. Khadiijo Cosoble Cali, waxaa ay heshay 119 cod.
Awdalpress