Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Mucaaradka Somaliland: Xukuumadda waxay heshiis la gashay dowladda Soomaaliya

$
0
0

Jamal-and-IrroAwdalpress, Hargaysa| 07 July 2015=Xisbiyada mucaaradka Waddani iyo Ucid ayaa ku eedeeyey xukuumadda Somaliland in ay heshiis qarsoodi ah la gashay dowladda federaalka ee Soomaaliya.
Shir jaraa’id oo ay maanta madaxda xisbiyadu ku qabteen magaalada Hargeysa ayey ku sheegeen in heshiiska uu dhigayey in Somaliland ay ku biirto dowladda Soomaaliya.
Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa sheegay in heshiiskaas oo la galay bishii February 2012 laga helay warqad sir ah oo uu faafiyey website-ka Wikileaks.
Wuxuu sheegay in warqaddu muujineyso in Somaliland ay heshiiska la gashay dowladda federaalka, Puntland iyo maamul goboleedyada Soomaaliya ka jira.
Jamaal Cali Xuseen oo ah musharaxa madaxweynenimada ee xibiga Ucid ayaa ku eedeeyey maamulka in uu ka gaabiyey raadinta aqoonsi caalami ah oo ay Somaliland hesho, wuxuuna sheegay in shacabka lagu mashquuliyo wada-hadallo aan mira-dhal aheyn.
Xukuumadda Somaliland wax jawaab ah kam aysan bixin ilaa hadda eedaha cusub ee ay soo jeediyeen mucaaradka iyo waxa ka jira.
RBK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles