Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Muxuu Shaaha ula soo Daahay – Qiso Dhab ah oo Cajiiba!

$
0
0

Nin Hindi ah ayaa wuxuu gaaray boosteejada ama halka laga raaco tareenka isagoo sugayay in tareenki uu raaci lahaa yimaado, waxaana loo sheegay in uu imanayo 7:00 fiidnimo taasoo uga dhigneyd inuu hal saac sugo. Wuxuu isku dayay inuu eego waxa ka socda astaanka ama goobta tareenadu ka baxaan si uu waqtiga isku dhaafiyo. Rakaab aad u yar ayaajoogay. wuxuu arkay koox wiilal ah oo meesha ku ciyaarayay. Wiilashi waxay xirnaayeen dharar dhamaad ama duug ah, waxaana ka muuqatay diif iyo darxumo balse aad bay ugu faraxsanaayeen ciyaartooda.

Wuxuu u baahday inuu shaah cabo maadaama uu qabow yar jiray. Nasiib darro meherada ama maqaayada shaah keliya ee goobtu lahayd waa ka yara fogeyd isaguna kama tagi karin boorsooyinkiisa oo dhan. wuxuu u yeeray mid ka mid ah wiilasha, wuxuu weydiiyay inuu shaah u keeno wuxuuna u dhiibay lacag 5 rupees oo ah lacagta laga isticmaalo dalka hindiya. Wiilkii wuu baxay si uu shaaha ugu keeno.

Waqtigi waa is guray, nus saac ka dib ayaa tareenkii yimi, waana inuu deg-deg u raaco. Wuxuu is tusay in wiilkii lacagti la cararay wuxuuna isku canaantay inuu wiil dibjir ama ciyaal suuq ah uu aaminay. Wuu istaagay si uu boorsooyinkiisa u qaato kolkuu u dhaqaaqay dhinaca tareenka ayuu maqlay cod u qeylinaya oo leh “Babuji, Apki chai” (Mudane, Shaahaagi”

Dib ayuu u jaleecay, wuxuu weydiiyay, “Maxaad shaaha ula soo daahday?”
Jawaabti wiilkii siiyay ayaa qalbigiisa taabatay, indhihiisana ilmo ay ku soo istaageen.

Wiilkii yaraa wuxuu yiri, “Waxaa iga lumay lacagti, ka dibna waxaan meheradi ama maqaayadii shaaha aan kaaga soo iibinayey ayaan ka codsaday inaan alaabta u dhaqo si aan shaahaagi kuugu keeno!!”

Walaal nuxurka ama dulucda sheekadu waxa weeyaan Daacadnimada ayaa ah siyaasada ugu wanaagsan!

Xigasho: Farah Cawaash.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles