Hargeysa(Awdalpress) 16 July 2015– Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray shacbiga Somaliland iyo shucuubta islaamkaba munaasibadda Ciidul fidriga.
Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska warbaahinta madaxtooyadda, waxaanu yidhi “Munaasabadda ciid-al-fidriga awgeed waxaan hambalyo iyo boogaadin u dirayaa dhammaan ummadaha islaamka meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan shacbiga Somaliland oo aan Ilaahay uga baryayo in uu soonka iyo cibaadadii bisha Ramadaan uu inaga aqbalo, sannadkan sannadkiisana innagu gaadhsiiyo nabad, bash-bash iyo barwaaqo, inta xanuusanaysa iyo dhibaataysana uu Illaahay ka dul qaado.
Walaalayaal maanta dalkeenu meel wanaagsan ayuu marayaa oo Ilaahay loogu mahadnaqo. Waxaana inala gudboon dedaalkaasi dawlad iyo shacbiba in aynu sii libinlaabno. Waxaan idinku adkaynayaa in wax kasta oo wax u dhimaya nabadgalyada Qaranka aynu meel uga soo wada jeedsano.
Ugu dambayn, waxaan idiin leeyahay Ciid Mubaarak, Kullu Caam wa antum bilkhayr.Hambalyo.. Hambalyo..Hambalyo.”
Source: Dawanews