Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Madaxweyne Xasan oo Soomaalida ugu hambalyeeyay ciidda

$
0
0

Madaxda-dalka-300x225Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dadka Soomaalida iyo guud ahaan Muslimiinta ugu hambalyeeyay munaasabadda ciiddul fidriga.

Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari)  masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo baarlamaanka iyo dadweyne fara badan ayay madaxweynaha ku wada tukadeen masjidka isbaheysiga ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa u jeediyay ganacsatada iyo dadka wax heysta inay caawiyaan carruurta danyarta ah, si ay  farxadda ula wadaagaan carruurta kale.

Wuxuu tilmaamay in Soomaalida laga doonayo inay is cafiyaan kana shaqeeyaan nabadda iyo dib u heshiisiinta.

Inta badan magaalooyinka Soomaalida iyo dunida Muslimka ayaa maanta loo dabaal degayaa maalinta 1-aad ee ciiddul fidriga.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles