Awdalpress – London – Dadka wararka iyo faallooyinka ama doodaha xiiseeyaa waxa ay maanta sida caada ah mar ay isha marinayeen shabakadaha Somalidu ay farsamayso, kala kulmeen youtube xayeysiis ah oo uu baahiyey maamulka Universal TV. Kaasi oo ah waraysi uu wiilka Abdixafid Jamac la yidhaa uu la yeeshay Prof. Ahmed Samatar.
Waraysigan oo laga dhex arkay arrimo xasaasi ah, dood kulul iyo sida Abdixafid caadada u ah ee cabudhinta dadka uu warsanayo, balse uu Prof. Ahmed I Samatar ka diiday.
Dhinaca kale waxa uu Abdixafid u badheedhay dhaleecayn iyo dagaal uu ku qaaday masiirka Somaliland ama wax la mid ah.
Kadib waxa awdalpress.com ay dib u eegtay barnaamijiyda uu Abdixafid daadihiyo, oo uu ula baxo magacyo English ah sida hardtalk, Midnight shaw iyo kuwo kale. Dhawr xalqadood markii ay awdalpress.com ka qaadatay, haddana waxan isku daynay in aan raadinno biography ama taariikhda Abdixafid Jama, balse weli maanaan helin. Waanse heli doonaa.
Faallada shabakadda oo aan ku eegi doonno waraysigaasina dib ayaad ka arki doontaan. Immigana nala daawada hordhaca waraysiga oo sidan u dhacay:
Awdalpress