Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Socdaal deg deg ah oo aan la sii shaacin ayaa Madaxweynaha Puntland uu ugu ambabaxay dalka Kenya iyada oo ay Ra’iisal Wasaare Sharmaarke iyo Madaxweynaha Jubbaland ay ku sugan yihiin Puntland. Sabab?

$
0
0

Breaking_NewsAwdalpress – Garawe – Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 18-7-2015 u dhoofay dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nayroobi oo uu ugu ambabaxay safar shaqo.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey , Wasiiro, Xildhibaano, Waxgarad, Aqoonyahan , Dhalinyaro iyo masuuliyiin kale ayaa madaxweynaha iyo wefdiga uu hoggaaminayo ku sagootiyey garoonka diyaaradaha ee magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha ayaa inta aanu ka duulin garoonka diyaaradaha la hadlay warbiihinta, waxaana uu sheegay in dalka Kenya uu u aadayo sidii uu u soo xoojin lahaa xidhiidhka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Puntland iyo Kenya.

” In sha’allah waxaan rajeynayaa inuu noqdo safar kheyr qaba oo guul noogu soo dhammaada , waxaan ku dardaarmayaa in dadka reer Puntland nabadooda, horumarkooda iyo wanaagooda xajistaan ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Beryahaan waxaa nala joogay welina nala joogaya Raysal-wasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Madaxweynaha Dawladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, wada hadaladii aanu yeelanayna waxaa ay ahaayeen kuwo midha dhalay ” Ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa mudada uu ku maqanyaha dalka Kenya kulamo la qaadan doono madaxda ugu saraysa dalkaas, waxaana uu dib ugu soo laaban doona dalka gudihiisa.



 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images