Awdalpress – Gaalkacyo – War deg deg ah oo naga soo gaadhay Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Banaanbax balaadhani ka dhacay Koonfurta magaaladaasi. Halkaasi oo lagu soo dhaweenayay Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed iyo xubno la socday oo shalay gaaray Magaaladaasi.
Bannaanbaxan oo lagu soo dhaweynayey madaxweynaha Galmudug ee dhawaan la doortay, ayaa waxa ka soo qeyb galay Boqollaal dadweyne ah iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulka cusub ee Galmudug iyo ka degmada Galkacyo. Waxana lagu qabtay bannaanbaxaasi Garoonka Kubada Cagta Cabdulaahi Ciise, hadallo soo dhaweyn ah iyo khudbado kala duwan ayaa halkaa waxa ka soo jeediyay waxgarad iyo masuuliyiin.
Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo hadal ka jeediyay dibad baxa ayaa Madaxweynaha Galmudug ku soo dhaweeyay Magaalada Gaalkacyo, waxana uu sheegay in Gaalkacyo hadda kadib uu ka taliyo Madaxweynaha Galmudug Cabdi Kariin Xuseen, isagoona ugu baaqay shacabka Gaalkacyo in ay taageeraan ayna soo dhaweeyaan Madaxweynaha cusub.
Madaxweynaha Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed oo dhankiisa la hadlay dibad baxayaasha soo dhaweenayay ayaa u balan qaaday in Maamulka Galmudug uu noqon doono mid wax badan tara ayna ka faa’iideestaan bulshada ku dhaqan Gobolada Galgaduud iyo Mudug.
Bannaanbaxa lagu soo dhaweenayay Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug iyo xubnaha la socda ayaa ku soo dhammaaday jawi aad u deggen,
Tallaabadan shalay Gaalkacyouu madaxweynaha cusubi ku tegey ayaa ah markii ugu horeesay tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Galmudug gaadhay Mudane Cabdi Kariin Xuseen Guuleed oo 23-ka bishan la filayo in la caleemo saaro.
Awdalpress






