Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Madaxweyne Xasan oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Britain

$
0
0

Harriet-iyo-Xasan-Sheekh-300x190Safiirka cusub ee dalka Britain Harriet Mathews ayaa waraaqaheeda aqoonsiga ku wareejisay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud maanta oo Isniin ah.

Harriet ayaa Muqdisho gaartay 13-kii July, waxayna xilka kala wareegtay danjirihii hore ee Britain u qaabilsanaa Soomaaliya Neil Wigan.

Waxay sheegtay inay ku faraxsan tahay soo dhowaynta diirran ee ay ka heshay madaxweynaha iyo shacabka Soomaalida, waxayna xustay inay rajeyneyso inay sii xoojiso xiriirka u dhaxeeya labada dal.

Harriet ayaa ku biirtay xafiiska arrimaha dibadda iyo barwaaqo-sooranka Britain sanadkii 1997 iyadoo qabatay xilal dhowr ah.

Waa khabiir ku takhasustay arrimaha Afrika, waxayna qabatay dhowr jago oo Afrika ku tacaluqa, oo ay ku jirto madaxa waaxda Bariga iyo Galbeedka Afrika.

Waxay kaloo noqotay madaxa tamarta xafiiska arrimaha dibadda iyadoo ka shaqeysay dalalka Brazil, Israel iyo Afghanistan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images