Boqor Cali Cumar Alaale oo ka mid ahaa xildhibaanadii heer fedraal ee dawlada Ethoipa ee dhawaan la siiyay shahaadooyinka iyo Abaalmarinta ayaa Hambalyo wuxuu u diray M/waynaha DDSI mudane Cabdi Maxamud Cumar wuxuuna yidhi” Mudane M/wayne Cabdi Maxamud Cumar waxaan kuugu hambalyaynayaa doorashada dib laguugu doortay hogaaminta shanta sano ee dambe ee DDSI ay kuu doorteen XDSHSI kalfadhiga ka dhacay Jigjiga, waxaan qorayaa in aad mudadii aad Madaxwaynaha ka ahayd DDSI aad wax badan ka qabatay deegaanka Soomaalida Ethoipia, imikana aad wax badan qaban doonto, waanan kugu taageersanahay waxqabadka iyo horumarka aad samaysay, sidoo kale waxaan hambalyaynayaa Afhayeenka Baarlamaanka DDSI mudane Maxamed Rashiid oo isna dib loo doortay kana mid ahaa tiirarka DDSI iyo golaha cusub ee xukuumadaada ee ay ka midka yihiin m/xigeenada iyo golaha kabinetka… Guul iyo horumar gaadha ayuu yidhi boqor Cali Cumar Alaal.
Afhayeenka Baarlamaanka fedraalka Ethoipia Abadule Gemeda ayaa dhawaan gudoonsiiyay boqor Cali Cumar Alaale Shahaado ay ku cadahay boqornimada Cali…
Awdalpress






