Awdalpress – Dhuusamareeb – Sh. Xasan Daahir Aways oo ka mid ahaa mitidiinta ku xidhan Al Qaaciida ee aadka loo raadinayey, ayaa Maamulka Ximin iyo Xeeb shaaciyay in xalay saqdii dhexe uu isu soo dhiibay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo xubin sare ka ahaa ururka Al-shabaab islamarkaana hore u hogaamin jiray ururkii burburay ee la magac baxay Xizbul Islaam.
Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Xubno uu hogaaminayo ayaa dhawaan isaga soo cararay degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose, kaddib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Godane oo ah masuulka ugu sareeysa ee Al-shabaab. Waxana la sheegay in ay si xun isugu dhaarteen, Sheekh Xasanna uu cabsi daraaddeed isaga soo cararay jiidihii ay ka wada dagaallamayeen. Warar hoosena waxa ay sheegayaan in mitidiinta taacansan Ahmed Godane qaytooda la yidhaa khusuusigu ay rag badan ka laayeen askarta Sheekha. Balse laga yaabo in aanu Sheekhu sidaa ku cafinayn Godane, lagana yaabo in uu Sheekhu garab ka helo beesha caalamka iyo dawladda Somaliya si uu u soo qabto amma u dilo Ahmed Godane iyo xertiisa.
Afhayeenka maamulka Ximin iyo Xeeb Max’ed Cumar Xagafeey oo wareysi gaar ah siiyay laanta Af-soomaaliya ee VOA ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan Sheekh Xasan Daahir Aweys, wuxuuna xusay in xalay saqdii dhexe uu isu dhiibay maamulkaasi.
“Xasan Daahir Aweys waxa uu ku jiraa gacanta ciidamada weliba uu hogaaminayo Madaxweeynaha maamul goboleedka Ximin iyo Xeeb, sedexdii aroornimo ayuuna soo galay gacanta madaxweeynaha,” ayuu hadalkiisii raaciyay.
Sheekh Xasan Daahir iyo ciidamo la socday ayuu masuulkani sheegay in ay soo gaareen deegaanada dhanka xeebta ee maamulkaasi Ximin iyo Xeeb, wuxuuna sheegay in isa soo dhiibidiisa ay ka danbeeysay wada hadal badan iyo ishorfadhi badan oo dhexmaray ciidamada maamulka iyo kuwii uu watay Sheekh Xasan Daahir Aweys.
Mar la weeeydiiyay in uu jiray wax dagaal ah oo dhacay kahor isa soo dhiibidda Sheekh Xasan Daahir Aweys ayuu masuulkani yiri “Xaqiiqdii hadal badan iyo dood badan iyo is-horfadhi badan ayay ka danbeeysay isa soo dhiibidu marka sida ayay u dhacday wax xabad uhuna ma dhicin waana isa soo dhiibay.”
Afhayeenka maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa intaa ku daray in Sheekh Xasan Daahir Aweys uu imika ku jiro gacanta madaxweeynaha cusub ee maamulka Ximan iyo Xeeb C/laahi Cali Max’ed Baarleex.
Masuulkan ayaa mar la weeydiyay waxa ay ka yeeli doonaan Sheekh Xasan Daahir Aweys mar hadii ay gacanta ku dhigeen ayuu sheegay in maamulka Ximin iyo Xeeb uu qeyb ka yahay dowladda federaalka ee Soomaaliya islamarkaana ay marin doonaan waxa ay ka qabto shuruucda caalamiga ah ee dadka isa soo dhiiba ama la qabto.
Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa maalin ka hor kasoo baxsaday degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha hoose kadib markii uu dhawaan halkaasi dagaal ku dhexmaray ciidamo ay wateen masuuliyiin uu isagu kamid yahay iyo askar kale oo iyaguna ka tirsan Al-shabaab islamarkaasina ka amar qaata madaxda sare ee Xarakada Al-shabaab, waxaana intaasi ka dib Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo xubno uu hogaaminayo ay deegaanka Baraawe uga baxsadeen doomo iyagoona u jiheeystay dhanka gobollada dhexe ee Soomaaliya oo ah halka imika la sheegay in uu iska dhiibay.
HOL