Awdalpress(Muqdisho) 25 Jun, 13–Wasaaradda horumarinta adeegga bulshada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay in berri oo ku beegan 26-ka June ay fasax yihiin dhammaan shaqaalo weynaha ururada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed.
Agaasimaha wasaaradda horumarinta adeegga bulshada ee xukuumadda Soomaaliya Aweys Sheekh Xadaad, ayaa maanta warbaahinta u sheegay in sababta shaqaalaha loo fasaxay ay tahay xuska 26 June oo ku beegan sanad guuradii 49-aad ee ka soo wareegtay markii gobollada Waqooyi ee dalka Soomaaliya ay ka xoroobeen gumaystihii Ingiriiska.
Agaasimaha, ayaa shaqaalaha Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska 26-ka June, isagoo sheegay in qaabka loo maamuusayo dabaal degga 26-ka June uu ka duwanaan doono sanadihii hore.
Sanad kasta marka la gaaro bishaan oo kale waxaa guud ahaan dalka Soomaaliya laga xusaa 26-ka June iyo 1-da Luulyo oo ah maalmaha xurriyadda Soomaaliya.
RBK