Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Wasiir Duur oo Durduradii ku Jabay ! Geeljire oo Dube iyo Doolaal mudadoodii ka dhamaatay iyo Xaabsade oo xaraashkii Hantida dawlada sahayatay !

$
0
0

FaalloAwdalpress(Borama) 25 Jun, 13– Iskushaandhaynta uu sameeyay M/weyne Axmed Siilaanyo ayaa dad badan oo falanqeeya siyaasadiisu u arkaan inay timid wakhti loo baahnaa, Waxaanay dadku sheegayaan in Wasiirkii Arimaha gudaha ee Somaliland Mudane Duur oo mudaba ku mashquulsanaa xalinta dilalka ay geystaan ciidamada Nabadgelyada ee uu qoray, isla markaana shaqada ka yaqaanay xadhiga madaxda dhaqanka iyo Af tahanimada nooceedu ahaa BAANAHA ayaa loo arkaa in uu Durduradii ku jabay ! wuxuuna aad uGu ceebobay xadhiga uu xabsiga u taxaabay ganacsato reer iyo shaqaale dawladeed oo deegaanka Xariirad ah iyo Baadhis La’aanta dilkii ka dhacay Xariirad taas oo loo arkay in uu majaro habaabiyay markii uu ganacsatada iyo shaqaalaha dawlada xidhay.

Wasiirkii Kaluumaysiga Mudane Geeljire ayaa isagu xilka ku yimid qormooyin uu wargaysyada ku qori jiray xiligii la Eryanayay Rayaale, qoraaladaasi oo ahaa kuow khashin ahaa oo anshaxa iyo Asluubtu ka madhnayd, mar la weydiiyay maxaa wasiir lagaaga dhigay ? Wuxuu ku jawaabay waxaan u malaynayaa qormooyinkii aan qori jiray ! waxaana loo Arkaa in wakhtigan ay dhamaatay sheekadii Dube iyo Doolaal !

Wasiirkii Hawlaha Guud Mudane Xaabsade oo ahaa isagu nin Miisaan culus lahaa waxay isku seegeen M/weyne Siilaanyo iyo maamulkiisa dhanka xaraashka hantida dawlada, waxaana la sheegayaa in uu dad shacab ah ka gaday dhul danta guud ahaa.

Hashim Goth

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles