Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Raysalwasaarihii hore ee dalka Talyaaniga Silvio Berlusconi ayey maxkamadi ku xukuntay 7 sano oo xarig ah

$
0
0

BerlusconiAwdalpress(MIlan) 25 Jun, 13–Raysalwasaarihii hore ee dalka Talyaaniga Silvio Berlusconi ayey maxkamada magaalada Milan ku xukuntay 7 sano oo xarig ah kadib markii lagu helay inuu xiriir la lahaa gabar aan qaan gaar ahayn oo jirkeeda ka ganacsatada.

Maxkamadan oo muddo dheer soo socotay ayaa lagu eedeeyey Raysalwasaarihii hore xiriirkiisa gabdho jirkooda kaganacsada oo ka qeyb qaatay xaflado lagu dhigay guriga uu ku leeyahay Berlusconi duleedka magaalada Milan.

Xeer illaalinta ayaa dacwadeeda kusoo dartay lacago badan oo uu Berlusconi siiyey gabar lagu magacaabo Ruby oo 17 sano jir ahayd, iyadoo la sheegay gabartaasi oo la lahaa xiriir hoose inuu siiyey lacago malaayiin dollar ah.

Balse kooxda difaacayey Berlusconi ayaa ku dooday inaysan jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeyey Berlusconi iyo gabartaasi, iyagoo sheegay in lacagta la siiyey gabartaasi aysan ahayn malaayiin dollar, balse ahayd 7 kun oo dollar oo hadyad ahaan loosiiyey.

Berlusconi ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu Booliiska ku cadaadiyey inay xabsiga kasiidaayaan gabartaasi mar loo xiray falal la xariira burcadnimo, wallow u Berlusconi sheegay in uu xabsiga kasii daayey gabartaasi maadaama uu moodayey inuu adeer u yahay gabarta Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Xusni Mubarik.

Hayeshee xeer illaalinta ayaa codsatay in 6 sano lagu xukumo Berlusconi maadaama uu ku takri falay xilkii uu hayey, laakiinse xaakimyada maxkamada ayaa xukunkaasi ka adag ku riday oo 7 sano ku xukumay Berlusconi oo weli kamid ah hogaamiyayaasha siyaasada ee dalkaasi Talyaaniga.

Qareenka Berlusconi ayaa sheegay inay abiil ka qaadan doonaan, waxaana loo ogol yahay in 2 goor ay abiil qaataan, balse waxaan rajo laga qabin in Berlusconi uu xabsiga galo maadaama dalkasi Talyaaniga uu ka jiro sharci sheegaya qofkii 70 jir kaweyn in xabsi guri oo kaliya lagu xukumo, sharcigaasi oo ay dhaqan gelisay xukuumadii uu Raysalwasaraha ka ahaa Berlusconi oo isagu hada jira 76 sano.

Star


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles