Awdalpress(Muqdisho) 28 Jun, 13–Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay Bankiga Barclays ee xaruntiisu tahay dalka Ingiriiska, in uu ka laabto go’aankii uu ku joojiyay akoonnada shirkadaha xawaaladaha ee bangiga ku lahaayeen.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed inta badan noloshooda ku tiirsan tahay adeegga xawilaadaha oo lacago ay ka helaan qaraabadooda ku dhaqan dalalka dibedda.
Wuxuu madaxweynuhu ugu baaqay Bangiga Barclays in ay gebi ahaan ka laabtaan go’aankooda kediska ah ama ugu yaraan dib u dhigaan, si xal kale loo helo, isagoo sheegay in go’aankan uu sababi karo dhibaatooyin bini’aadannimo.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay taageero uga baahan yihiin dowladda Britain iyo bangiga Barclays oo uu ku tilmaamay in ay yihiin saaxiibo Soomaalida leedahay.
Bangiga Barclays ayaa toddobaadkan ku dhawaaqay in uu xerayo akoonnada shirkadaha xawilaadaha uga furan bangiga, taas oo saameyneysa in ka badan 250 hey’ado xawaaladeed ah, oo ay ku jiraan labaatameeyo xawaaladaha Soomaalida ah.
Barclays ayaa sabab uga dhigay go’aankooda in ay jirto cabsi ku aaddan in akoonnadan loo adeegsado dambiyo argagaxiso la xiriira.
RBK





