Awdalpress(Kismayo) 28 Jun, 13–Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo kuwa maamulka Jubbaland ee uu madaxweynaha ka yahay Axmed Madoobe ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa maanta xabsiga u taxaabay sare ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.
Col. Abbaas Abdi Gurey ayay ciidamadu xireen xilli uu ku suganaa garoonka diyaarahadaha ee magaalada Kismaayo sida uu Bar-kulan u xaqiijiyay maareeyaha garoonkaasi Carab Axmed Cali.
Maamulka Jubbaland ee uu madaxweynaha ka yahay Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) iyo taliska AMISOM ayaa korneyl Abbaas Abdi Gurey ku eedeeyay in uu qeyb ka yahay xasaradda ka jirta magaalada Kismaayo iyo in uu sameeyay amar diiddo.
Col. Abbaas Abdi Gurey ayaa ah taliye ku xigeenka ciidamada dowladda ee gobolka Gedo oo dhawaan tagay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Col. Abbaas Abdi Gurey ayaa lagu soo warramayaa in loo soo duuliyay dalka Kenya kaasoo ay soo qaadday diyaarada ay leeyihiin ciidamada milatariga Kenya oo keentay magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.
RBK





