Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

M/weynaha Maraykanka Obama oo ka digay halista argagixisada geeska Afrika

$
0
0

obamaAwdalpress(Senegal) 28 Jun, 13–Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa ka digay halista argagixisadu ay ku hayso waddamada geeska afrika oo uu sheegay in ay tahay mid u baahan in il-gooni ah lagu eego.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay  dalka Senegal oo uu booqasho ku marayo,isagoo sheegay in geeska Afrika ay ku soo badanayaan urrurada argagixisadu gaar ahaan, Kenya, Tanzania iyo Soomaaliya, loona baahan yahay in caalamku uu iska kaashado sidii loo cirib tirilahaa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Mareykanku uu waddamada geeska afrika oo ay Soomaaliya ugu horreyso ka taageeri doono sidii loo cirib tirilahaa urrurada argagixisada ee dhibaatada ku haya shacabka geeska afrika, dowladda Soomaaliyana la siin doono dhaqaale si ay awood buuxda ugu yeelato la dagaallanka argagixsada.

Mr.Obama ayaa Alshabaab ku tilmaamay cadowga ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan dadyowga ku nool dalalka geeska Afrika.

Mareykanka ayaa horay ugu eedeeyay urrurada argagixisada ee geeska Afrika iyo urrurka Alqaacida in ay ka dambeeyeey weeraraddii lagu qaadday safaaradaha Mareykanka ee dalalka Kenya iyo Tanzaania ee sanadkii 1998-dii.

RBK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images