Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Mas’uul ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa sheegay in dastuurkii maamulka barri la ansixin doono, kadibna Madaxweyne cusub la dooran doono.

$
0
0

Breaking_NewsAwdalpress – Kismaanyo – Waxa maalintii seddexaad ka socda magaalada Kismaayo  shirka la doonayo in lagu ansixiyo dastuurka maamulka Jubbaland,  warbixin arrintaa ku saabsanna waxa saxaafadda siiyey Wasiiru dowlaha madaxtooyada Jubbaland Mudane C/qani Cabdi Jaamac.

Masuulkan oo warbaahinta kula hadlay gudaha xarunta Caymiska oo ah halka uu shirku ka soconayo ayaa sheegay in ergada 300- ah ee ka doodeeysa arimaha dastuurka ay maanta aad uga doodeen qodobo dhowr oo kamid ah qabyo-qoraalka dastuurka Jubbaland.

“Ergada waxaa loo qeeybiyay koox-koox, waxaana loo qeybiyay koox kasta cutubyo ka mid ah dastuurka, iyaga oo ka sameeyeen doodo, kadibna waxa ay  u soo gudbinayeen guddiga qaabilsan isku dubbaridka, waxana ay ka doodeen aragtiyadooda ku aaddan qodobbada dastuurka,” ayuu masuulkan hadalkiisii raaciyay.

Wasiiru dowlaha ayaa intaa ku daray in maalinta berrito ah loo fadhiisan doono ansixinta dastuurka, isaga oo sheegay in ergadu ay soo gudbisay qodobbo ay u arkaan in ay tahay in lagu kordhiyo dastuurka, kuwaasi oo uu xusay in tixgelin la siin doono.

Sida uu wasiiru dowluhu saxaafadda u xaqiijiyay, ansixinta dastuurka kadib ayaa la filayaa in magaalada Kismaayo ay ka bilaabato qabanqaabada ku aaddan doorashada madaxweeyne cusub oo uu yeelan doono maamulka Jubbaland.

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles