Awdalpress(Hiiraan) 10, July 2015–Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ay la wareegeen gacan kuhaynta deegaanka Buq-aqable oo katirsan gobolkaas.
Kornayl Ibraahim Maxamuud oo kamid ah saraakiisha hoggaaminaysa hawlgalka, kuna sugan deegaanka lala wareegay ayaa Bar-kulan u sheegay inay weerar ku qaadeen qaadeen fariisimo ay malleeshiyada Al-Shabaab ku lahayd halkaas.
Kornaylka ayaa sheegay in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiiyeen malleeshiyada, ayna uga dabatagi doonaan meelaha ay u firxatay, si looga sifeeyo gobolka.
Sarkaalka ayaa xusay inuusan jirin khasaare soo gaaray ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Ciidammada is-bahaysanaya ayaa waayahanba gobolka Hiiraan ka wada hawlgallo ay uga saarayaan Al-Shabaab, kuwaas oo ay kula wareegeen gobolka intiisa badan.
RBK
↧
Ciidammada dowladda Somalia oo la wareegay Buq-aqable, Hiiraan
↧