Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Ma dhabaa in Saxaafadu xor tahay?

$
0
0

Article-Step-6Mahad dhamaanteed Allaah iska leh, nabadgelyo iyo naxariisiba korkiisa ha ahaato nebigeena Muxamed ah, ehelkiisa , asxaabtiisa iyo cidii dariiqiisa haysaba.

Xoriyatul-qawl iyo xoriyada saxaafadu waa udub dhexaadka iyo tiirarka uu ku dhisan yahay fikirka Capitalism-ku. Nuxurkiisuna yahay kala irdhaynta diinta iyo nolol maalmeedka qofka bani’aadamka ah si uu markaa xor ugu noqdo ficilkiisa, iyo hadalkiisaba oo aanay u dhicin cid samada awaamir ka soo dejisa oo isaga xakamaysa! camalkiisa oo dhamina u noqdo mid uu isagu go’aamiyo xukunkooda sax iyo qaladba (waxaad rabto dheh, waxaad rabto fal, cun, cab waa ku kaa!)

Hadaba waxaa is weydiin leh qofka Muslimka ahi xor ma u yahay camalkiisa –af iyo adiba? ma dhabaa in ay jirto xoriyatul qawl (free speech) sidoo kale ma jirtaa (free press) ama saxaafad xor ah oo waxay doonto qorti kartaa?

Arinkaa waxaynu la tiigsanaynaa sharciga iyo caqliga saliimka ah labadaba, si aan laynoogu eedayn kuwo aan “waaqicaba” la socona waxaynu xusi doonaa waxay ka qabaan arinkaa nimankan “dimuqraadiyiinta” ahi oo ay ugu horeeyaan (UK iyo USA) dadka qaarna aad moodo inay uguba jiraan halka (Kitaabka iyo Sunadu)inoogu jiraan, fikir kasta oo la soo bandhigaana u muuqanayo -hadaan iyaga la soo xigan – mid aan cilmiyaysnayn ama aan aqoon badan xanbaarsanayn!

 

 

Sharciga

 

 

Sharci markaynu leenahay kama wadno (man made law) balse waxaynu ka wadnaa sharciga Allaah inoo soo dejiyay dhamaanteena si buuxda u taageersan nahay dhaqan gelintiisa. Allaah (saw) Qur’aanka meelo badan ayuu inoogu sheegay in bani’aadamka acmaashooda iyo aqwaashoodaba ay u xilsaaran yihiin malaa’iik qofka rafiiq la ah oo marna aan ka faaruqin, waxay af iyo adin ka sameeyaana diiwaan galiya. Abaal marinta qofkaas ee maalinta Qiyaamena ku xidhan tahay kolba waxa ku qoran diiwaankaas!

Rasuulkuna(scw) axaadiis saxiixa oo fara badan ayuu inoogu sheegay in shayga ugu badan ee dadka naarta u horseedaa yahay carabka, sidoo kale danbiyada kuwooda ugu waaweyna uu carabkuba mas’uul ka yahay sida beenta, markhaati beenaalaha, xanta, cayda Allaah iyo rasuulkiisa, aflagaadada, diro diraalaha, war xumo tashiilka iwm. Dhamaantoodna ay yihiin kuwo qofka Islaamnimadiisa dhaawac weyn gaadhsiinaya aakhirona uu cadaab ku mutaysanayo.

 

Waxaa kale oo in la baraarujiyo u baahan in qalinku la mid yahay carabka oo haddii aad beenta, diradiraalaha iyo war xumo-tashiilka afka ka tidhaah iyo haddii aad jariidad ku qorto ay isku mid yihiin oo aanu waxa farqi ahi u dhaxayn.

 

 

Caqliga Saliimka ah.

Caqliga saliimka ahi wuxuu ina farayaa in dunuubta intaa leeg tahay mid cid walba ka xaaraan ah oo saxaafada baa “xor” ah ama (for the sake of journalism) aanay ku banaanan karin in war aan jirin la faafiyo, himilada saxafiga (siiba editor)ka ma aha inay noqoto war maxaan saaka hayaa si aan u suuq geeyo! balse maxaa sugan, oo aanay weliba dhibaato ka weyni ka ratibmayn , adigu qor Jarmal-na ha qabsadee dee adeer ma aha..

Dimuqraadiyada Somaliland.

Nin madax ah oo meel fagaare ah ka khudbaynayay ayaa dadka u sheegay “in horumarka ugu weyn ee ay Somaliland gaadhay tahay Dimuqraadiyada ay ku talaabsatay!” mid kale oo ka hadlaayay nidaamka baarlamaankuna wuxuu hadalkiisii ku bilaabay “Dimuqraadiyadu waxay ina faraysaa…” which one?

USA: Sidaad la wada socotaan waxaa dhowaan isgaadhsiinta caalamka lagu baahiyay macluumaad ku saabsan sida maraykanku u jaasuuso muwaadiniitiisa iyo dadka kale ee caalamka ku noolba. macluumaadkaas waxaa soo gudbiyay nin maraykan ah (Edward Snowden) waxaana qoray jariidada Guardian iyo kuwa kale oo badan. Arinkaa markuu maraykanku ka war helay waxuu damcay inay qabtaan ninkan balse wuxuu u baxsaday wadanka Ruushka. Waxaase lagu xukumay dabiyo iskugu jira (espionage and treason) oo intuba xadkoodu yahay dil. cid ka hadashay saxaafada maraykanka oo (Obama administration) kula dooday in ninkani saxaafada xorta ah war ku qoray ama xoriyatul-qowl kiisa meel looga dhacay maynaan maqal. Maalinka uu gacantooda soo galona xukunkaas ayaa miiska u saaran.

Mee xoriyatul-qowl-kii ? Meeday saxaafadii xorta ahayd?

Waxaa kale oo aad la wada socotaan in Maraykanku (iyo Dimuqraadiyiinta kaleba) si buuxda u taageereen jariidada Charlie Hebdo inay ku saxsanayd af-lagaadada Rasuulkeena (scw) – calashaan saxaafad xor ah iyo xoriyatul-qawl – waxaad meel kasta ku arkayseen ‘Je suis Charlie’ iyagoo muujinaya siday af-lagaadadaa u garab taagan yihiin. Bal ka waran haddii uu nin dadkii central Paris tubnaa mid ka mid ahi la soo dhinac istaago boodh ay ku qoran tahay ‘Je suis Cherif ’ (waa nimankii dilka geystay mid ka mida) mala odhan lahaa waa xoriyatul-qowl oo fikirkiisuu cabiray mise noloshaa laguba cuni lahaa ?

Paris iyo New York waa lays kugu soo bixi karaa iyadoo la taageerayo af-lagaadada lagu hayo Islaamka iyo Rasuulkiisa, laakiin Riyaad iyo Hargeysa lays kuguma soo bixi karo

 

(inkastoo mudaharaadku aanu dhaqan Islaamba ahayn) si arinkaa loo canbaareeyo waayo waa xag jirnimo! (cimrigaaga oo dheeraadaa geel dhalaayna waa ku tusaa)

UK: Julian Assange: waa nin suxufi ah waana (Wikileaks founder) kaas oo sirihii diplomasiyadeed ee reer galbeedka (siiba marayakanka) ku soo bandhigay website-kiisa Wikileaks. Julian laga bilaabo 2012 wuxuu ku dhuumanayaa – isagoo naftiisa u baqaaya – safaarada Ecuador ee ku taala London isagoo og haddii uu ka baxo inay banaanka ku sugayaan booliiska Ingiriisku si ay xabsiga ugu taxaabaan. Ninkani waa suxufi, macluumaad uu helay ayuun buu ku baahiyay saxaafada, danbigiisu waa maxay? Maxuu Ingiriis u daba joogaa oo xabsi ula beegsanyaa?

Mee xoriyatul-qowl-kii ? Meeday saxaafadii xorta ahayd?

David Irvine: Waa (British Historian) oo 6 sano oo xadhiga lagu xukumay ka dib markuu is weydiiyay in xasuuqii Holocaust yahay wax dhacay iyo in kale! oo maxaa dhacay miyaan qofku xor u ahayn qowlkiisa ? oo waa sidee ninku miyaanu Ingiriis cad ahayn, waa maxay 6-dan sano ee xadhiga ahi?

Fiiro gaara: Abwaan C/waaxid Cali Gamadiid markuu tixda gabayga ah tiriyay Somaliland xabsigay u taxaabtay. waxaan is weydiiyay oo tolow sabab? Reer galbeed-ba abwaanadooda iyo jaraa’idkooda Islaamka wax ka sheegta xabsi u diraane maxaa tolow jira? Waxaa markiiba igu soo dhacday dee C/waaxid denbi Somaliland kama uu geline wuxuu ka cadhaysiiyay “deeq bixiyayaashi” iyo nimankii ictiraafkaba gacanta ku hayay! Saxaafada ‘xorta’ ah ee Somalilandna may odhan waa xoriyatul qowl oo fikirkiisuu cabiray sida Jariidada Charlie Hebdo ee maxaa laga rabaa C/waaxid?

Mee xoriyatul-qowl-kii ? Meeday saxaafadii xorta ahayd?

Let’s be clear: markay timaado (USA & UK) saxaafadu xor ma aha haday wax u dhimayso (their national interest). sidoo kale saxaafadu xor ma aha haddii ay wax ka sheegto qadiyadaha iyaga u gaarka ah sida Holocaust-ka oo kale (waa 3 sano oo xadhig ah qofkii ka shakiya Holocaust-ka). Laakiin markay timaado Islaamka iyo Rasuulka (scw) saxaafadu waa xor oo waxay doonto ayay ka qori kartaa!

Waxaan ku soo af meerayaa Soomaalidaa waxay tidhaah “nimaan kuu furayni yaanu kuu rarin” aakhiro kaa socon mayso xoriyatul-qowl iyo saxaafad xor ahi. Bush iyo Blair-na lawyer ku difaaca kuu noqon maayaan, mar hadaanay waxan ay adiga kugu dirqiyayaan iyaguba ogalayn maxaa adiga ku kalifay?. Kalsooni naftaada ku qab oo ha noqon -like a parrot- wuxuu maqloba ku dhawaaqa oo qaata isaga oon isba weydiin waxa ka ratibmaya if iyo aakhiroba.Xoriyadi waxay ku dhan tahay intay Allaah iyo Rasuulkiisu bixiyeen.

Tu -San , Zeki Dool.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles